Lamaantaada ama Lamaanahaga Weligaa haka aqbalin arimahan -Top Secret

Bulsha:- Waxyaabaha Naftaada Mugdiga galin kara hadii aad samaysid Oo kugu noqon kara Xabsi aad gacantaada ku dhisatay waxaa ka mid ah hadii lamaantaada ama Lamaanahaaga dartiis u samaysid arimahan .

1-Hadii aad Uga tagto Waxyaabo Aad Higsanayso: Haddii aad dooraneyso mihnad gaar ah ama dooneyso in aad dhameystirato wax barashadaada , waa in aad sameysataa oo aadan dib u dhigin riyooyinkaada adiga oo qof dartii uga tanaasulaya gaar ahaan xittaa haddii uu yahay nin aad jecashahay Ama Naag aad ifka ka fiirsanaysid.

2-Badalid Muuqaaladaada : waa macquul in haweeneyda wax yar ka badasho muuqaalkeeda si ay ugu muuqato mid qurxoon iyadoo adeegsaneysa Make Up balse sura gal ma aha in ay badasho guud ahaan oo ay sameeyso qaliin is qurxin ama badal midab ama Xitaa qaliin qarsoon oo jirkeeda hoose ah ama adeegsiga dawooyinka dhanka dhalmada mustaqbal ahaan.

3- Ka go’ida Saaxiibadaa : sura gal ma ah in haweeneyda kaligeed noolaato ama Ninku uu saaxiib la’aan socdo dhab ahaan waxa ay u baahan tahay saaxibbo gabdho ah,Halka ninkuna Uu dhalin badan saaxiibo la noqon karo , ogoow in isaga ama iyadu ay baxayso ama uu baxayo maraka qaar ama aadayo shaqo ama saaxibadiisa waana Muhiim in la isku tixgaliyaa arintaas.

4- Si waali u dhaqan ah : waa suura gal in haweeneyda u dhaqanto hab waali ah iyada oo qanci is leh ninka , gabaryaheey waxaa kuula gudboon in aad garato qaabka aad u dhaqmeyso si aad u qanciso ninka xariir wadaag tihiin ha noqon qof meel walba farta galiya si waali ku jirto oo aan daganeen taasi oo keeni karta in aad wayso jaceylka aad dartiis ama darteed u waalanaysid dhaqankaaga dartiis .

5- Ka Mamnuucid Noloshaada wax aad Jeceshahay : suura gal ma aha in Naftaada waxa ay jeceshahay aad ka mamnuucdid tusaale ahaan isticmaalka Social Media sida Facebook,Whatsapp,Iwm adiga Oo raali galinaya Jaceylkaaga oo ka dhowraya in ay niyad jabto ama kaa shakido ha sameen weligaa caburinta naftaada taasi waxa ay keeni kartaa waali kuu kali ah Oo xabsigaasi kala kulantid.

6- Ha noqon la heeste : ogoow xaq ayaad u leedahay ra`yigaaga sida ninka uu u leeyahay , waana in uu tix giliyaa taasi adna aad ku ixtiraamto ra`yigiisa , maxaa keenaya marka in aad la haysto u noqotid taasi waa Maya ,qofka aragtidiisa ku tixgali Oo ha isku dayin caburinta qofkaasi sida adiga Oo ka ilaalinaya La jirkiisa ilaaladaasi fogaasho ayay keentaa.

7qurux- In Aad iloowdo Waxa Aad Noqoneyso ” suura gal ma aha in aad iloowdo waxa aad aheyd iyo waxa aad noqoneyso waxaa qasab kugu ah in aad xasuusato ehelkaada , suura gal ma aha in aad u iloowdo ninkaada dartiis ama xaaskaaga darteed ha noqon ehel goys adiga oo Jaceylkaaga darteed ama dartiis u samaynaya.

Hadaba reer warkaisii.com  waxa ay ku leeyihiin haweeneyda nafta waa ay u huri kartaa ninkeeda balse waa ay ogaataa waqtiyada aad u hureyso iyo waxa aad kala kulmi kartid hadii aad arimahan oo dhan ka taxadartaa ka waayi doontid Noloshaada farxadeeda.

FEEJIGNAAN:maqaalkaan nagama ah isku dir lamaanayaasha ah balse waa talooyin si looga bad baado in midkood uu dhib ka soo gaaro xariirka








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment