Hadii qofka balanka aad la leedahay meel wada fadhidaan oo sheeko idiin socoto uu dib u fadhiisto, madaxana taagayo oo dhinacyada fiir fiirinaayo ayaa waxa uu ku tusayaa isla qabwayni. Waxa ka sii daran hadii uu qofku gacmaha saarto qoorta oo ka dhigan yasid. Hadaba qofkaasi uma qalma xiisaha aad u hayso ee sheekada iyo shaahaba uga tag.
Hadii uu qofku isaga oo kula sheekaysanaya madaxa yara qaloociyo ayaa waxa ay ka dhigan tahay soo dhowoow. Waxa kale oo la mid ah qofka oo indhaha kaa fiirinaya, kuu ilko cadaynaya ama madaxa kuu luxaya. Markaa adiguna ahow qofka la xiisaynayo.
Ilkocadaynta ayaa inta badan loo turjuntaa waji furan laakiin ay wanaagsan tahay in aad ogaatid:
In ilko cadayntga uu qofku ku tusayo ilkaha sare oo kaliiya ay ka dhigan tahay saaxiibtinimo aan wax kale ka dambayn. Qofkuna aanu rabin in aad xiriir jacayl wada yeelataan.
In ilko cadaynta dibinta hoose la dibciyo ay ka dhigan tahay is fahan yar oo ka dhex abuurmay labada qof.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment