GAALKACYO: Farxad aroos oo mar qura isku rogtay oohin iyo baroorasho

Bulsha:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegaya in guri ku yaalla magaaladaasi lagu toogtay Nin la sheegay inuu isku diyaarinaayay galbinta arooskiisa.

Ninkaasi ayaa waxaa la toogtay saacad un ka hor xiligii loo diyaar garoobaayay galbinta arooskiisa, waxaana 5 xabad la dhacay wiil ay qaraabo ahaayen, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo, waxa uuna mar qura Arooska isku rogay murugo iyo naxdin, kadib markii reerkaasi ay qaadan waayen geerida arooskii marxuumka isku bedelay.

Shaki weyn ayaa ka jira sababta dilka loogu soo beegay Xafladda Gelbinta arooska.


Dadka qaar ayaa sheegaya in dilka caruuska uu ka danbeeyay kadib markii uu Khilaaf dhexmaray labada qoys ee uu arooska u dhexeeyay.

Dhanka kale, Ciidamada amaanka waqooyiga Gaalkacyo ayaa ku guul-dareystay inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment