Bulsha:- Daraasad lagu sameeyay haweenka aanan la gudin ayaa lagu ogaaday in ay ka cimri dheeryihiin kuwa kale ee la guday waliba loo guday nuuca Soomaalida ay u taqaano Fircooniga ayadoona taa lagu tijaabiyay haween badan oo ku nool dalalka Africa, Asia iyo waliba Euro halkaa oo ay aheyd xaruunta baarista.
Haweenka aanan la taaban ama aanan la jarjarin farjigooda ayaa la sheegyaa in ay si dhab ah uga cimri dheeryihiin kuwa kale ee maqaska loo qaaday ee aanan waxba lagu reebin taa oo ay kooxdii soo saartay baaritaankaasi ay ku sheegeen in haweeneedaasi ay la diris tahay cimrigeeda oo dhan xanuuno iyo balaayo waa mid maqaska loo qaatee halka mida kale nolosheeda ay tahay mid farxad iyo raaxo ay ku dhameysto ilaa ay ka dhasho kan ugu danbeeyo.
Dhanka dareenka ayaa la rumeysanyahy in ay ka wacanyihin kuwa aan la gudin kuwa kale ayadoona taa ay ugu wacantahay xaruunta dareenka ee Kintirka ay kaalin mug leh ka ciyaarto ciyaaraha inta badan ka dhaca sariirta waana mid lagu kabay daraasada oo aheyd mid si wacan loogu amaanay waalidiinta gabadhaha dhala ee ku dhaqan Africa qaarkood.
Xubinta Kintirka ayaa ah xubin lagu amaano haweenka leh ayadoona wadama qaarkoodna ay ka ceeb tahay in gabar lagu dhaafo Kintir sida wadanka Soomaaliya taa oo ay waalidiinta sheegeen in gabadha ay ku noqoneyso mid meel walba taagan balse Ilaahay ayaa xifdiya ayadoona ay aad u jecelyihiin Soomaalida in gabdhahooda ay ka wada jaraan xubta dareenka iyo macaanka keenta ee Kintirka.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment