Hani “Dumaashiday dhib ayaan ku qabaaa,sodohdeyna wa la safatay ..”-Talo Raadis

Bulsha:- Waan idin Salaamay Dhamaan Bahda Shabakada Wacdaraha.com Salaan Kadib Magaceygu Waa Hani Siyaad Dhoole Waxaan Daganahay Dalka Soomaliya Gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Waxaan ahay Xaas, Waxaanan La Daganahay Qoyska Ninka i Qabo, inta aan Gurigaas Joogana Waa Wax Ka Yar 90 Casho oo Lamid ah 3 Bilood Ninka i Qabo Ma Shaqeeyo Reerka Guriga oo aan Aniga Ka Tirsanahayne Waxaan Dhamaan sugnaa Waa Biil Nooga Yimaada Wadanka Sweden oo uu Noo Soo Diro Wiil u Curad ah Reerka Wiilka aan u Dhaxo.

Dhibka i Heysta Waxa uu Yahay Waxaa Nafta ii Keenay Gabar La Dhalatay Wiilka i Qabo oo Mararka Qaar Xataa aan isla Gaarnaa Inaan Gacan isu Qaadno, Mayara Dhibka Igu Heysta Guriga, Hoyada Waxa ay La Safan Tahay Gabadheda, Ninkeeyga Markaan u Sheegana Waxa uu i leeyahay iska Dulqaada Waad ogtahay Aniga Ma Shaqeeyo oo Ma Awooda Inaan meel Gooni ah Ku Dajiyo, ee Xaaji Tahriibow Adaa Caaqilkii Talo Celinta ehee Talo Isoo siibo, Waxaana Horey loo Yiri Talo Kaa maqan Maan Walaalkaa ayeey Ku jirtaahee, Soo Daaybo Wixi maankaaga Ku Jiro Walaalkeyow.

Marka Hore Hani Walaal Salaanta aad hawada Noo Soo Marisay Mid Lamid ah ayaan anagana Ku Leenahay Naga Hano Sida aan u Nahay Bahda Shabakadda wacdaraha.com, Salaan Kadib inta Badan Dumarka Lala Dajiyo Reerka Wiilka uu Ka Dhashay Guurkoodu Ma Waara Hadiiba Gabdho Wiilka la Dhashay ey Guriga Joogaan, Hadana adiga Tii ayaa Ku Heysata.


Waxa Kuu Haboon Sida uu Ninkaaga Ku Yiri Iska Samir ilaa Horaa loo Yiri Samraa Sad Helo, Teeda Kalane Ninkaaga u Sheeg oo Ka Kakac Dheh Jiifka, Beri Hadaad Caruur u Dhasho Ma Waxa uu Caanahoodu Ku Xiraanaya Qoyska uu Ka Dhashay, U sheeg in uu Mas,uuliyadaada isaga Hayo Alle Kasokow, Dhehna Shaqa Tag Shaqaa Sharaf Lehee.

Taladaasi Waxaa Lasiiyay Hani Siyaad Dhoole oo Qoraal Email ah Nooga Soo Qortay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment