Calaamadaha lagu ogaado masayrka haweenka

Bulsha:- Masayrka waa wax jiro oo aan laga reebi karin dumarka, siiba marka ninkooda naag kale guursado, hadaba waa maxay astaamaha lagu garto masayrka dumarka? 


Runtii naagta marka uu masayr ku dhaco way isku dardarsamaysaa ma garanayso waxa ay samaynayso, taas oo u keenaysaa inay ku dhaqaaqdo falal la yaab badan, inay bilowdo ninkeeda inay hadalkiisa diido oo xanaaq iyo amardiido ay la timaado, sidoo kale jeesjees daran inay la soo baxdo.


Naagaha marka ay ka masayrayaan naag kale waxay dareemaan ciriiri daran xagga maskaxda, waxay had iyo jeer ku fikiraysaa sidii ay waxyeelo u gaarsiin lahayd qofka ay ka masayrayso, haddii aad ku aragto naagtaada oo warkaaga si toos uga horimaanayso ama kugu jeesjeesayso ama hadalkaaga aan rabin waxaad baartaa waxa ay ka masayrayso, markaas isku day inaad ka daaweyso, masayrka wuxuu saameeyaa nolosha guurka iyo raaxada galmada. 








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment