Hadii Aad Leedahay Tilmaamahaan Waxaa Xaqiiqo ah In Jaceylkaagu Dhab Yahay.. ‘Jaceylka dhabta Ah’.

Bulsha:- Soomaali ahaan Jaceylka waxaa laga fahmay maalmihii ugu danbeeyey mid aan waxba kajirin lagana guul gaarin kana suulay qoysaska Soomaalida inkastoo fikradaha lagu kala duwanyahay.

Hadbaa Tilmaamaha Jaceylka waa kuwa qof waliba dhinac ka fahmayo aan bayaansho hadalkeeygee Sifaadka qofka wax jecel waxaan kusoo koobanayaa Sedex qodob oo aan u arko inuu muhiim yahay.

-) Nafta jaceylka dareemeysa waa mid Naxariis badan had iyo jeer waa mid tix galin siiya qofka isagu ku yiraahda waan ku jeclahay waxa una durba ismoodaa qofkaas oo heerka uu kujiro isagoo og ayuu isla meel dhigaa iskana soo qaadaa inuu isaga yahay waxa uuna Kalgaceyl iyo Jaceyl siiyaa nafsada codsiga wadata.

-) Waa mid inta badan jecel in fikrado dheeri ah ka helo asxaabtiisa kuwaasoo ku saabsan dhamaantood Arimaha jaceylka si uu guul weyn uga gaaro Jaceylkiisa, mar walbo wuxuu unugul yahay Ra’ayiga Mucaashaqiinta isagoona ka kororsada cilmi iyo waaya aragnimo.

-) Waa mid marka uu maqlo Qiso jaceyl dhegta utaaga , dhageysta Suugaanta kuwooda Jaceylka kasoo burqanaya isna mooda in ay isaga ku saabsantahay maadaama ay Baahi Jaceyl heyso.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment