Xariirika Jaceylka Farxada leh Waxaa Laga Helaa 5 Faa’iido oo Caafimaad ah

Bulsha:- Jacaylku waxa uu leeyahay saamayno togan amma taban oo dadku dhibaato iyo wanaagba kala kulmaan, taas oo faa’iidadiisu badan tahay, marka uu qofku helo qofkii uu hamigiisu ku taamaayey, isla markaana ay naftiisu u hilawday. Haddaba jacaylku waxa uu qofka ugu wanaagsan yahay sababahan soo socda: 

Jacaylku waxa uu hoos u dhigaa la qabatinka daroogooyinka iyo wixii la mid ah:- Haddaad qof jeceshahay amma aad ka damacsan tahay rajo guur, waxaad ka fogaanaysa la qabatinka xashiishadaha iyo waxyaabaha maandooriyaha ah, siday sheegeen khubaro badan oo Carabta iyo Yurub ka soo jeeda, kuwaasoo daraasad ku sameeyey saamaynta jacaylka, waxaanay tilmaameen badankoodu dadkii daraasadan lagu sameeyey in markay xidhiidh jacayl heleen cabitaanka iyo la qabatinka daroogooyinku ka joogsadeen.

Jacaylku wuxuu qofka ka dhiga mid da’ yar:- Waxaynu ognahay inaad wax jeclaato amma jacayl samaysato inay yihiin lama shay oo kala duwan, waxaanay inaad qof jeclaato amma aad xaalad jacayl ku sugnaata kuu saamaxdaa inay da’daadu u muuqato mid inta aad jirto ka yar, sababta oo ah is qurxinta iyo is dhalaalinta uu kuugu kalifo qofka aad jeceshay ayaa da’daada hoos u dhigta. Cilmibaadhis ay hoggaaminaayeen cusbitaalka Royal Edinburgh oo ku yaala dalka Scotland, ayaa tilmaamay in haweenka wax jecel amma ku nool xaaladda jacaylku uu ka yar yahay qofka aan danta ka lahayn jacaylka.

Jacaylku wuxuu u wanaagsan yahay Dumarka, Balse Ragga wuu u daran yahay:- Jacaylku wuxuu aad ugu wanaagsan yahay dumarka, waxaana sidaas daaha ka qaaday daraasada ay soo saareen mac-hadka English Longitudinal, kuwaas oo tilmaamay in haweenku markay aqalka leeyihiin, isla markaana jecel yihiin saygooda ay aad xaaladooda caafimaad iyo maskax ahaanba u degenaato, halka raggu badana markay jacaylka ku jiraan dhibaato aad u badan kala mutaan, taas oo fikir iyo walbahaar aad u badan ku abuurta.

Jacaylku wuxuu kor u qadaa caafimaadka maskax ahaaneed:- Jacaylku wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan oo jidh ahaaned, balse waxa dad badan aaminsan yihiin in ragga iyo haweenka jacaylku asiibaan waayaan caafimaadkooda maskax ahaaneeed. 

Haddaba, koox cilmi-baadhayaal ah oo ka socday jaamacadda Otago ee dalka New Zealand, ayaa baadhitaanay ku sameeyeen 1,000 qof, waxay ku oggaadeen dadka xidhiidhka jacayl amma jacaylku hayaa inay xagga maskaxda uga degen yihiin dadka hawl maalmeedkooda kale ku mashquulsan. Sidoo klae daraasado kale ayaa sidan si la mid ah tilmaamay in dadka xaaska leh amma jacaylku hayaa ka cadho iyo murugo yar yihiin dadka aan iyagu wax jacayli hayn.

Jacaylku wuxuu daawo u yahay wadnaha:- Dhawaan cilmi-baadhis ay soo saareen khubaro ka socotay jaamacadda Rochester ee magaalada New York ee dalka Maraykanka, ayaa tilmaamay in dadka jacaylka farxada leh ku nooli ka badbadaan qalliinada wadnaha iyo xannuunada asiiba wadnaha. 
Cilmi-baadhayaashani, waxay sheegeen in xiriirka guur ee wanaagsani uu faa’iido u yahay wadnaha qofka, isla markaana hoos u dhigo dhiig karka, waxa sidoo kale arrintan mid la mid ah xaqiijiyey khubaro iyaguna ka socday jaamacadda Carolina oo daraasad ku sameeyey waxyaabo la xidhiidha bina’aadamka, waxaanay labadooduba heleen in qofka oo xaalad jacayl ku sugnaada uu ka hor tago subagowga ku yimaad wadnaha.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment