Gabar Soomaaliyeed oo sixun dhulka ugu jiiday wiil LADHASHAY -DAAWO

Bulsha:- Waxaa soo geliyey admin Gabar Soomaaliyeed oo sixun dhulka ugu jiiday wiil si’aad ah u jeclaa “Qiso Xanuun iyo Naxdin Badan”
Dhacadaan ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyeed oo lagu kala magacaabo Daadir iyo Salma, Daadir ayaa xiriir lasoo sameeyay wariya-yaasha barnaamijka xiisaha badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, waxayna ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi, waxbarashadeyda ayaa waxaa kusoo qaatay iskuulka Osama Bin Zeyd oo ku yaalla xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Sidoo kale Salma ayaa waxay ila dhigan jirtay iskuulka Osama Bin Zeyd, waxayna degneyd xaafadda K.P.P ee degmada Hodan, isla-markaana jaceylkana ayaa wuxuu ku bilowday qaab walaaltinimo ah.

Waxaanu aheyn laba qof oo isku fasal ah, sidoo kale mar walba ilgaar ayaa u lahaan jiray maxaa yeelay, waa gabar waxbarashada ku fiican, waa gabar qurxoon, waa gabar ruuxii bartaa uu ku haminaayo in uu nolosha la-wadaago, hase ahaatee xilligii aanu dugsiga sare noqonay, ayaa habeen habeenada kamid ah ka wacay teleefankii gurigooda ugu jiray.

Habeenkaas ayaa waxaa Salma ku iri, caawa waxaan doonaayaa inaan ku sheego arin aan horey kuugu sheegin, runtii maanan rabin inaan ku sheego, hase ahaatee horey ayaa waxay Soomaalidu ugu maah-maahday “Waxaad Qarsato Way Ku Qarsadaan”, markaas ayaa waxay igu tiri “Aboowe waad ii sheegi kartaa wax walba oo aad dooneyso”.

Waxaan ku dhahay Salma abaayo macaan waxaan ahay qof walaalkaa oo kala ah, weligeyse ilgaar ah ayaa kuugu eegi jiray, waxaana doonaayaa inaan nolosha kula wadaago, ee sidee u aragtaa, markaas ayaa waxay igu tiri “waa war fiican, hadal macquul ahna waad ku hadashay, balse fursad i sii waan kasoo fikiraayaa” hadalkaas Markey igu tiri ayaa si’aad ah u farxay waxaana ku iri, waa yahay.

Afar habeen kadib ayaa waxay igu tiri “Aboowe si walba markaan u soo fikiray waxaa i soo baxday inaad wiil fiican tahay, ceeb aan kuugu diidana malihid, marka intaan sifiican isku baraneyno waan wada sheekeysan karnaa” si’aan caadi aheyn ayaa habeenkaas u farxay waxaan kala garan waayay, in’aan riyoonaayo iyo in kale.

Muddo kadib ayaa waxaa Salma ku dhacay cudurka dilaaga ah ee caashaqa, waxayna bilowday inay si’ad ah ii tex-geliso, iyadoo mar walba i soo wici jirtay, waxaana Salma ku arkay isbadal weyn oo dhankeyga ah, waxaana laga xusi karaa, Sheeko fara-badan, doonis fara-badan, xiiseen fara-badan, mar walba waxay i dhihi jirtay kalmado mac macaan sida “Qalbiga ayaa ku taallaa” “ Waan kaa helay”, Waan ku jeclahay” Wiil Romantic ah baa tahay” iyo kuwo kaloo fara-badan.
Intii aan magaaladda Muqdisho wada joognay ayaa waxaa isla soo qaadanay jaceyl mug wanaagsan ku fadhiya, sidoo kale anna waxaa aallaaba u ahaa qof iyada uun doonaaya weliba jacel, weligeyse maanan ka careysiin, inaan ka maseer-siiyo iskaba daayee.
Sanadkii 2004-tii ayaa waxaa dhacday aabaheyd oo joogay dalka Maraykanka in uu ku yiraahdo Nairobi tag, si’aan Maraykanka kuu keyno, durbadiiba way ii sheegtay sida ay wax u jaraan, waxaana isku af-garanay inay baxdo, sidii ayay Nairobi ku tagtay Salma.
In ka-yar hal sano ayaa waxay nasiib u yeelatay inay foodda la-gashay magaaladda Nashville ee gobola Tennessee ee dalka Maraykanka, halkaa oo ay ku noolaayeen qaar fara-badan oo waalidkeeda ah, isla-markii Salma waxay soo nooleysay xiriirkeynii, anagoo inta badan ku wada xiriiri jirnay khadadka teleefanada iyo Internet-yada.

Salma ayaa waxay sanadkii 2006-dii igu tiri “Maxaad ka heysaa magaaladda Muqdisho, mar walbana waxaan ka cabsadaa inay wax-yeelo kaa soo gaarto dagaaladda ka dhacaaya Muqdisho “ xilliga ay hadalkaasi i leedahay waa xilligii ay dagaalamaayeen Maxaakiimtii Islaamiga iyo kooxdii la-magac baxday la-dagaalanka argagaxisada.
Waxaan u sheegay sidii aan dugsiga sare uga baxay inaanan waxba ku heyn magaaladda Muqdisho, waxaan kaloo u sheegeysay inaysan jirin goobo laga shaqeysan karo magaaldda, kadib ayaa waxay igu tiri “Waxaa dhigataa jaamacadaha Banaadir ama Muqdisho midkood, aniga ayaa lacagta kaa shubaayo” hadalka ay igu tiri xabiibteeda ama macaanteeda aad ayuu i soo jiitay, sidii ayaa waxaa ku bilaabay Jaamacadda Banaadir.
Hase yeeshee mushkilada ayaa waxay timid, kadib markii sanadkii 2009-kii ay igu tiri, “Nin yahow intaas oo sano ayaa isnaqaanaa, Soomaali waxa aad ka tahay, ma’aqaano ee i sheeg bal cida aad tahay” saa waxaan u sheegay in’aan kasoo jeedo Waqooyiga magaaladda Muqdisho, sidoo kale anna maanan garaneyn Salma waxa ay Soomaali ka tahay, waxaana ku dhahay, adigana iskey bar, waxay igu tiri “Aniga waxaan ahay reer Muqdisho lakiin Qabiilka ay Soomaalidu Midgaantu dhahdo ayaan ahay” intaan qoslay ayaa waxaan ku iri waxaasi majiraan, Soomaalidu waa dad waalan, sidii ayaa maalintii isku baranay, barasho ma-xumee ee maxaa dhacday?

Waxaa dhacday Salma muddo seddex bilood maanan arag, hadaan teleefanka ka waco igama qabaneyso, hadaan Emailo u diro iima soo jawaabeyso, wax yaabo badan ayaa u fasirtay dhaqanka cusub ee Salma, balse maalin maal-maha kamid ah ayay iga qabatay teleefanka, waxaana ku iri Salmaay maxaa kuugu dhacay, saa waxay igu tiri “Nin yahow maxaa igu dhici lahaa” waxaan ku iri, sidaan kuuguma aqoon ee dabeecadaan foosha xun ee aad lasoo baxday maxay tahay “ intay qososhay ayaa waxay igu tiri, “Kaalay daacad miyay kaa tahay adigoo qabiilkaan ogaa ka dhashay inaad i guursaneyso”?
Waxaan ku iri Qabiiil kuma guursanaayee ee anigoo Daadir ah, jaceylkaaga ah ayaa ku guursanaaya intay igu qososhay ayaa waxay igu tiri “Walaahi nin aan Madhibaan aheyn inuusan i naageysaneyn, ee waxaas niyadaada ka saar, isma guursano, ee orod oo shimbaarka la-duul” isla-markiina waxay igu damisay teleefanka.
Ciil iyo ooyin ayaa ka bixi waayay, akhristoo waad garan kartaa qofka aad ifka ugu jaceshahay oo ku xumeynaayo inay ka xanuun badan tahay naar, tan iyo markaas marka ay teleefanka igu damisay maanan maqal, xataa maanan arag waraaq ay i soo dirtay, habeen habeenada kamid ah ayaa waxaa Salma walaalkeyd ku arxay deegaanka loo-baracakay ee Ceelasha Biyaha, waxaana ku iri nin yahow Salma war maka heysaa, wuxuu i sheegay in’ay Salma fiican tahay, welibana ay guursatay wiil ay Maraykanka isla joogaan.
Habeenkaas ayaa ka quustay Salma oo dhan, anoo noqday qof aan caafimaad ahaan fiicneyn,
Alla maxay xanuun i baday Salma, balse Alle oo kaliya ayaa uga dacwooday,
Hada waxaan ku noolahay magaaladda Kampala ee dalka Uganda, weli waxaan ka joogi la’yahay sida foosha xun ay ii gashay gabadhii aan dunida ugu jeclaa ee Salma, sidoo kale weli maanan guursan, oo waxaan iska ahay iskaabulo







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment