Faaidada Ay Leedahay In Habeenkii Xili Hore La Seexdo

Bulsha:-  hurdada habeenkiiKoox khubaro ah oo u dhalatay dalkaasi Ingiriiska ayaa daraasad ay sameeyeen ku sheegay inay hurdada goor hore la seexdaa ka faa’ido badan tahay ta goor dambe la seexdo, iyaga oo intaasna ku daray inay markasta dejiso maskaxda marka hurdadaasi goor hore la seexdo.

Kooxdan oo uu hogaaminaayey nin lagu magcaabo Satoshi Kanazawa kana tirsan maxadka lagu magcaabo London Institute for Political and Economic Sciences ayaa sheegay inay dhibaato badani kasoo gaadho dadka markay habeenkii goor dambe seexdaan, taas oo ay ugu horeyso deganaansho la’aan dhinaca niyada iyo naftaba ah.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey in goor hore oo la seexdaa ay keento inay maskaxdu nasasho wanaagsan hesho, kadibna ay dib u soo kabato, xusuustana ku wanaagsanaato.

Waxaana tijaabo lagu sameeyey dad dhawr ah kuwaas oo si tabaruc ah ula shaqaynaayey kooxdan  cilmibaadheyaasha ah, waxaanay dadkaasi ahaayeen kuwo ugu dambayn seexda 12:29 habeenkii subixiina soo toosa 7:52 subaxnimo oo shaqo taga iyo kuwo seexda ugu horayn 1:44 habeenimo subixiina soo toosa 11:07 sidaana ku shaqo taga.


Waxanay kooxdani sheegeen in dadka habeenkii seexda 12:29 subixiina toosa 7:52 subaxnimo ay ka fiican yihiin dhinaca deganaanta iyo xusuusta kuwa seexda 1:44 subixiina soo toosa 11:07 minit, iyaga oo isticmaalaayey xadiyada lagu qiyaaso ama lagu cabiro xadiga deganaanta ee dadka oo ah inta u dhaxaysa 90_110.

Dadka inta badan seexda saqda dhexe ee habeenkii ayay sheegeen kooxdan daraasada samaynaysay inay dhinaca xusuusta ka hooseeyaan dadka, iyaga oo sheegay inay qiyaastoodu noqotay 75 qiyaasta lagu cabiro deganaanta iyo xusuusta, sida lagu sheegay wargeyska lagu magcaabo Al-Jazeera ee kasoo baxa wadanka Sucuudiga.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment