DARAASAD: Cabitaanka Yaanyada Oo Si Fudud U Yareeya Miisaanka Jirka

Bulsha:- YAANYADAKhubaro saynisyahano ah ayaa sheegay in waxyaalaha laga miiro YAANYADU uu yareeyo misaanka culus ee qofka, taas oo aanu qofku u baahanayn inuu isticmaalo waxyaalaha kale ee miisaanka dadku inta badan iskaga ridaan.

Khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Medical University  of Chine ayaa sheegay inay yaanyadu lee dahay faa’idooyin badan , gaar ahaana marka la miiro, taas oo ay kamid tahay inay rido culaysa saa’idka ah ee qofka fuulaaya, iyaga oo sameeyey tijaabooyin kala duwan ayay ku sheegeen in ay door muhiim ah ka ciyaarto inuu qofku la dagaalamo culays badan oo fuula.

Khubaradan ayaa sameeyey tijaabooyin ay ka qaadeen 25 dumar ah, kuwaas oo da’doodu tahay inta u dhaxaysa 20 sanno ilaa 30 sanno,waxaanay dumarkaasi si maalinle ah u isticmaalaan waxyaalaha laga miiraayo yaanyadaasi, waxaanay wadeen tijaabadan muddo laba bilood ah.

Tijaabadan ayaa muujisay in qof kasta uu ka dhacay 2 cm oo culays ah, kuwaas oo hore u diwaangeliyey culayskiisii hore, ka dambena qiyaasay.

Sidoo kale tijaabadan ayaa muujisay inay hoos u dhacday heerka xanuunada laga qaado culayska jirka, iyo sidoo kalena wadne xanuunka , waxaanu hoos u dhacaasi gaadhaayey  10%,gaar ahaana xanuunada wadnaha iyo Cancer-ka.

Sidoo kalena waxay khubaradaasi sheegeen in ay yaanyada ku jirto macdanta Vitamin A da ahi,iyada oo keenta inay indhaha aragtidoodu halkaasi aanay dhaafin ,siina wanaagsanaato.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment