Saliida Kalluunka Iyo Faaidooyinka Ay U Leedahay Timaha

Bulsha:- Haddii aad doonayso timo jiridoodu adag tahay, aadna u ifaaya, waxa aad cuntada ku cunta amma aad isticmaasha saliida kalluunka laga miiro, gaar ahaan noocyada la yidhaa Salmon, Trout iyo Sardines, sidoo kale saliida kalluunka waxa ku jira Omega-3 Fattey Acid, taasoo muhiim u ah caafimaadka maqaarka, qofkana ka dhigta mid aad u ifaaya.

Macdanta Ironta ayaa sidoo kale saliidan ku jirta, waxaana ka hortagta in timuhu qofka daaataan, waxa kale oo ku jira saliidanb booratiin aad muhiim ugu ah koriinka iyo dhumucda timaha qofka.

Akhriso: 9 Faaido oo ku jeclaysiinaya cunista kalluunka nooca loo yaqaan Salmon

Kalluunada kala duwan ee badda laga helo waxay aad ugu fiican yihiin nafaqada timaha, waxaana ku jira macdanaha ay ka mid yihiin Selenium, Iron iyo booratiin, sidoo kale kalluunku waa il ka mid ah ilaha laga helo Faytamiin B12, kaasoo ah nafaqo aad muhiim ugu ah timaha koriinkooda oo badana aan dadku si fudud ku helin.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment