Dhacdo Cajiib Ah:-Markii Aan Guursaday Ayaan Arkay Iney Leedahay Uur Dhowr Billood Ah ..!!

Bulsha:- Nin sheikh caalim ah oo weliba iimaam ah ayaa riyo wuxuu ku arkay nin uu yaqaano oo janada dhex joogo, waagii markuu baryay ayuu imaamkii wuxuu soo baadi goobay ninkii uu xalay ku riyoooday asagoo janada ku jiro.

Markuu ninkii u yimid ayuu ninkii ku yiri iisheeg maxaad camal allaah ugu dhawaataa oo sameysaa waayo xalay waxan ku riyooday adigoo dhex miranayo janada allah mideeda ugu qiimaha badan, ninkii wuu diiday inuu iimaamkii ugu jawaabo suaashiisa illaa uu dhowr jeer ku celceliyay.

Ugu danbeyntii iimaamkii wuxuu dhaariyay ninkii wuxuu yiri illaah baan kugu dhaariyee ii sheeg camalka aad sameysay, anigana aan illaah u dhawaadee si aan janadiisa u hanto.

Ninkii ayaa yiri iimaam baad tahay qisadeyda ma qarin kartid lakin ii balan qaad inaadan dadka u sheegeyn magaceyga, iimaamkii ayaa u balanqaaday inuusan magacisa sheegi doonin, ninkii baa ku jawaabay waayahayee dhageyso qisadeyda.
Waxaan guursaday gabadh markii aan guri geystay waxaan arkay iney leedahay uur dhowr bilood ah oo aanan anigu laheyn anigana waan u ceeb qariyay ehelkeeda iyo ehelkeygaba waan u diiday in xaaskeyga booqasho loogu imaado si aan ceebteeda loo ogaanin.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment