Aishwarya Rai oo gacaliyaheedi hore ee Salman ku taageertay arintan..

Bulsha:- Jilaaga Salman Khan, ayaa maalmahaan la kulmayay dhaleeceyno xoogan oo kaga imaanayay bulshada India, kadib markii dhawaan loo magacaabay safiirka India ee ciyaaraha Olombicada Brazil ka furmi doona 5 ilaa21-ka Bisha Augosto ee sanadkaan.

Sida uu baahiyay Wabseedka Pinkivilla, Fanaaniinta, ciyaaryahanada iyo jilaayaasha India, ayaa taageero xoogan u muujiyay Salman Khan.

Balse arinta xiisaha leh ayaa ah, in gacalisadiisi hore ee ay 17 sano kahor kala hareen Aishwarya Rai, mar ay xayeeysiin u sameyneysay Filimkeeda xiga ee Sarbjit ay taageero xoogan u muujisay Salman Khan.

“Waan taageerayaa waana soo dhaweeynayaa in Salman loo magacaabo jagadaas, waayo qof walbo dalkiisa matalaya ha ahaado fanaan, ciyaaryahan ama jilaa, waa qof wanaagsan” ayay tiri Aish.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment