Habeenka Ugu Horeysa Aad Wiil Banaanka Ula Baxeysid & waxa yaabaha kaa reeban!

Bulsha:- Ha ahaado wiil aad shabakada internet-ka ku baratay ama mid aa suuqa ku baratay, ha sameyn inta hoos ku xusan.

Ha iska waalin

Ma u soctid qof aad wax badan la sheekeysaneysay, waxba ha xiran dharkaga ugu qatarsan oo adoo dhan gaduud/casaan ha iska dhigin. Waxad rabta adiga inuu kula dhaco ee maahan dharka iyo kabaha 10 centimeter dheerar le’eg oo aad xidhantahey. Gasho dhar iska caadi ah oo laga dareemayo inaa casho u socotid.

 Xiriirkagi Hore

Su’aalo badan ayuu ka weeydiin hada xiriir hore laheed iyo sababta usoo dhameeysay. Waxba haku dheeran oo usoo gaabi, hadaa tahey gabar xiriir badana oo 10 wiil soo martayna 3 oo kaliya u sheeg, yuusan ku sahlan.

No Calaacal

Maka yaabta dad marka kula kulantid meelaha caamka ah oo kaga sheekeya noloshooda khaaska ah ayagoo ka cabanaya islamarkas. Iska ilaali inaa u calaacashid oo waa qariib qofka la hadleesid wali si fican umaad baran wuuna kula yaabi. Hadaa cuntada meesha aadan ka helin, haka cabanin ee dheh ‘Waa dhargay’. Musqusha hadii laga buuxana kadidaada isku celi.

Kaftan

Waa fiicantahey inaa kaftantid laakinse ha ka badbadin oo kaftan miiran haka dhigin sheekada. Miisaan hadalkaaga oo yuusan wiilka ku maleyn qof arag gaaban, u niyad furnaan oo mid caajis badan haka dhigin kulankiina ugu horeeya.

 Rasiidka Cuntada

Aaahhh! runtii sida wacan qofka soo agaasima oo ra’yiga leh ayaa badana bixiya, sida caadada ahna wiilka ayaa bixiya. Waxba haku dagdagin balse iska dhig qof raba inuu bixiyo haduu ka ogalaado ogow wiilkas waa mid gacan adag oo ka fakar inaa xiriirka ka mira dhalisid.

Waqti badan ha qaadan

Dabada ha is xanuujin hal habeen qof ma ku ogaan kartid, kulanka kowaad waa is barasho iyo is arag oo kaliya hadalkaga intaas waxba yuusan ka dheeran. Hadeey kula tagto sheekada yeeysan kala badnaan 2 saacadood. Waxkastoo aad sameysaa ha u raacin meel kale oo maqayaada marka kasoo tagtid hore usoo mac salameey.

 Mobile

Mobile-kaga ku rid boorsada aad wadatid intaa amusisid, HA ISTICMAALIN. Xushmeey qofka ku hor fadhiya.

 Amusnaan

Hadaa tahey qof aamus badan, habeenkas hadal. Haduu asaga aamusana ka hadalsii, waa fududahey sida qof looga hadalsiiyo. Su’aal weydi ama ka qosli, marka furfurtid asaga iska hadli doona.

 Shaneemo

Haduu wiilka ka codsado in kulankiina kowaad ku qaadataan shaneemo iyo filin daawasho haka yeelin. Maxa yeeley habaankas dhan waa amusnaaneysan wuxuna doonaya in uu baalka ku gashto.

 Raqiis ha iska dhigin

Haduu ku dhaho maqayada dooro haka yeelin, haduu maqaayad raqiis ah doortana haka yeelin. Taas soo sahal maahan?

 Mwahhh!!!

Hadaa tahey gabadh ogal in shumiso wiilka eey shukaansaneyso tallow eey wax xuntahey, ha isku dayin inaa faruuryihisa taabatid habeenkas oo ka fagow xata ha u ogalaan inuu gacantada qabsado. La soco, habeenkas jowharad boorso ku jira ayaad tahey.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment