Bulsha:- Dheereeya muddada galmada: Ragga qaar baa u haysta in inta jeer ee haweeneyda loo galmoodo oo la kordhiyaa ay keento uur. Haddaba taasi run ma aha, waxase loo baahan yahay in la dheereeyo muddada ay qaadanayso halkii galmo intii saddex iyo afar jeer lagu celcelin lahaa isla muddadaasi in la’eg.
-Biyaha macdanta ah isku daaweeya: Waxaa dhacda in biyaha macdanta ah (mineral water) oo cabistooda la badsado ay daawo keento, sababta arrintaasina lama garanayo ilaa iyo iminka.
-Dhowr usbuuc xabbadda joojiya: Waxaa looga baahan yahay labada isqaba kolkay arkaan inuu uurkii daahay, inay joojiyaan galmada muddo dhowr usbuuc ah si dhiigga haweeneydu uu fursad ugu helo inuu iska qashinsaaro hadduu jeermis ku jiray, jeermiskaasi oo xawada dila, sidaasina ku hor istaaga uuraysiga.
-Waqti go’an isu galmooda: Waxaan ula jeedaa in galmada loo badiyo ama xoog la saaro waqtiyada ugu badan ee ay haweeneydu uuraabi karto, iyada oo laga tixraacayo jadwalka wareegga caadada.
-Saacadaha galmada beddela: In labada ruux ee isqbaa ay beddeshaan saacadaha iyo weliba qaababka ay isugu galmoodaan si aad ah bay faa’iido ugu leedahay.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment