Bulsha:- Jacaylku waa shay qaali ah, kaas oo ku lamaansan jiritaanka nolosha, iyadoo abwaano badan ka gabyeen heerka u taagan yahay jacyalku ,waxan u ka mid yahay dhibaatooyinka uga waaweyn ee adduunka ka jira, islamarkaana raga iyo dumarkuna si kale duwan u soo maro xanuunkiisu iyo macaankisu.
Qisadan waa qiso dhab ah oo aniga igu dhacaday, xanuunkeedana aan mudo u soo jiifay. Markii aan xanuunkeedii i ritay aan halmamay hadan dib u soo labo kacalaysay ayaan jacelaaday in bulshada ku talax tagay arimaha jacaylka in ay talow iga siiyaan arin jacayl oo aan u jiifo.
Wiil aan isku meel joogano gaara ahaan meel ka mid ah qurbaha ayaan mudo sheeko la wadaagayay, anagoo soo marnay maalmo badan oo iskugu jira farxad iyo murugo. Qisadan oo igu reebtay nabur aan dawadiisa u la’ ahay maadaama ay naftayda ku hayso murugo.
Walalyaal waxan si xushmad leh idinka codsanayaa in aad talow iga siisaan arintan aan idiin soo bandhigayo hadii aad waxa igla qaban kartaan.
Wiilkan oo aan magaciisa ku oo koobay Mr. Fee xiriirku naga dhaxeeyay waxan u samray mudo badan, waliba rag badan oo qayrkii oo isoo doontay aan ku gacan saydhay maadaam aan axdi wad dhiganay isaga. Isaguna igu abuuray jacayl aan caadi ahayn oo aan mararka qaar naftayda ku keeno dhib, cuntada uga soomay. Rabina aan ka baryayaa dambi dhaaf dhibta aan naftayd u keenay.
Hadaba waxa dhacday in uu mar qura uu xiriirkii aan la lahaa uu jaray, ka dibana uu guursday gabadh isaga oo aan marna ii soo bandhigin in uu qof kale xiriir hoose ka dhaxeeyay Wax aan maqaly in uu naag qabo.
Marka aan waydiiyana waa dafiraa hadan mar kale ayaan ku celiyay oo waxa uu igu dhahay waan furay, laakin hada adiga ayaan ku rabaa ee wax ila qabo. Waan ka diiday maadama hore loo yiri ” Waa ay adagtahay sida qalbiga lagu hanto, laakiin waa ay fududahay sida qalbi lagu waayo!”.
Sidaas darteed ayaan u aamin la’ ahay inaan la qaado sheekada mar labaad. Waxa uu ii soo qoraa sheekooyin jacayl ah oo uu igu beerlaxawsanayo iyo heeso. Heesaha qaar waxa ka mid ah:
dawadiinaftaydaay
dadka taan ka doortaay
soow in aan ku daawadu
dal dheer uguma soo kecin
dumar ha igu noqonin
sida aan kaaga daba dhacay
waa in aad ii daryeeshaa! ….
Door waxa aan iraahdaa
duni lama amanee
dahab waaye gabadhuyee!
Mar wlaba waxan ku qanciyaa in aan rabin, hadana waa diidan yahay. Wax uu ii muujiyaa jacayl badan iyo ii sheegaa dhaar badan si aan u aamino. Waxa aan hadaba garan la’ahaya waxan ka yeelo. Hadii aan guursado waxa aan ka baqaya in uu i furo sida uu tii hore u furay.
Marka aan waydiiyo gabadhii hore maxaad ku furtay waxa uu hadal ku soo koobaa calafkaygii ayaa dhamaday. Markaas ayaaan ku irihaadaa bilow aad i furtaa anigana sidaas oo kale.
Inta uu qosolow ayuu dhahaa adiga waan ku jecelahay, iyadan waxa i geeyay calaf. Markaan waydiiyo sababtii u cidlada igag dhaqaaqay waxa uu dhahaa culaysa ayaa naftayda saarnaa iyo reerkay ayaa igu khasbay inaan gabadh kale guursado.
Walaalayaal waxa aan rabaa in aad iga talow siisaan sadexadan su’aalood oo aan jawaab u la’ahay:
1. Ninkan markii hore cidlo ayuu igaga dhaqaaqaya sideen ku aamina karaa mar labaad?
2. Qalbiyga wuu dhaawacay ee sidee ayuu u dhayi karaa? Maadama hadana aan
jecelahay miyaan iska nasiib sadaa mise waan diiidaa?
3. Aniga iyo gabadha uu furay isku mid ayaan nahay. Maxuu ufuray? Mise aniga halkii uu kaga dhaqaaqay iyada waa iga dhaqaaqi donaa, markaana guursan dooanaa naag kale?
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment