XULKA WARIYAHA ISBUUCA IYO BULSHA

Bulsha:- BULSHA todobaad kasta wuxuu idiin soo gudbin doonaa sawir uu ugu magac daray sawirka wariyaha ee todobaadka.

Todobaadkan waxaa soo qaadan doonaa sawirka Wariye Maryan Saylac.

Maryan Saylac waxay kamid tahay shaqaalaha Tv-ga Royal xaruntiisa magaalada London ee caasimada dalka Uk .

Sidoo kale Wariye Maryan Saylac waa war-aqriye iyo barnaamij soo saare kamida Royal Tv.

Wariye Maryan Saylac waxay kamid tahay suxufiyiinta dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka howl gashay kuwa loogu jecel yahay waxayna si weyn uga dhex muuqata warbaahinta Soomaalida waana gudoomiyaha ururka SOMWA.


Dadka sida weyn uga yaqaana Maryan Saylac waxay ku tilmaaman inay tahay qof dabeecad fur furan bulshada saamayn weyn ku dhex leh gaar ahaan asxaabta warbaahinta Soomaaliyeed.

Fiiro gaara: lama qaadan doono sawir qof aan fasax laga qaadan oo aan raali ka ahayn in muuqaalkiisa halkan la soo saaro.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment