Bulsha:- Waxaa is guursaday wiil iyo gabar aad isu jeclaa, waxey ahaayeen kuwaa aad isugu kalsoon, daacad isu ah, isku samra, cabsi Eebe ay u dheertahay, mudo dheer ayey is qabeen, ilaa ay ka noqdaan kuwaa wayeeloobay lkn nasiib darro wax caruur ah iskuma dhalin.
Maalin maalmaha kamid ah ayaa ILAAHAY xagiis fariin kaga timid iyadoo loosoo Rasuul ama Malak Suurat Bini-aadam loo soo yeelay, Ninki iyo Naagtii ayuu u yimid, wuu salaamay wuxuuna u sheegay in ILAAHAY xagiisa ka socdo oo fariin kaga sido. Salaantii ayey ka gudoomeen waxeyna weydiiyeen waxa ay tahay fariinta uu kaga sido ILAAHAY xagiisa.
Wuxuu yiri: “ waxad tihiin labo lamaane oo uu ILAAHAY aad ugu farxay dhaqankooda, jaceylkooda, samirkooda idinkoo mudo intaas la eg isla soo noolaa hadana aan wax isku dhalin. ILAAHAY wuxuu idinku tala galay sedex duco oo aad wax walba ILAAHAY ku weydiisataan la idinka aqabalayo oo aad heleysaan wax kasta aad weydiisataan.” Wuuna iska tagay Malagii.
Odayga xaaskiisa aad buu u jeclaa wuxuuna yiri: “ xaaskeygiyey ducada ugu horeysa adigaan kugu deeqay wax alla waxaad jeceshahay ILAAHAY ka dalbo.”.
Naagti waxey ku duceysatay in Ilaahay ka dhigo gabar yar oo aad u qurux badan. Isla markii ILAAHAY wuu ka aqbalay ducadeeda waxey islaanti waayeesha aheyd isku bedeshay gabar sida xuur-ceyti oo kala ah quruxdeeda iyo da’deeda.
Odaygii aad buu u yaabay oo uu la dhacay quruxda xaaskiisa, markaasuu u yeeray, intay is cajabisay oo ay la yaabtay quruxdeeda ayey ku tiri: “ iima jeedid m iyaa sida aan noqday iyo sida aad adiga tahay, miyaan isku qalaanaa, odayahoo waayeelka ah iska key daa.” xaqiiqdi waxey ilowday in weli harsantahay labo duco kale.
Odaygii intuu xanaaqay ayuu ducadii labaad ku duceystay isago dhahaya: “ ILAAHOW naagti aan intaasoo sano isku soo samirnay darted aan naag kale u diiday wey igu caasisee EEY ka dhig.” Sida xaqiiqdu aheyd ducadu waa aqbale gabadhi quruxda badneyd isla markii waxey isku bedeshay EEY qeeylinaya.
Waxa soo haray waa hal duco, markay hal asbuuc kasoo wareegatay odaygii iyo xaaskiisa oo eey noqotay wada joogaan, ayaa odaygii wuxuu dhibsaday qeyladeydii wuxuuna ducadi ugu danbeysay ILAAHAY ka baryay in xaaskiisa sideedi hore ee waayeelnimada kusoo celiyo.
Hadaba sedexdii ducaba waxey noqdeen kuwa lagu khasaaray.
Fadlan share-gareey si ay ugu faa’ideystaan asxaabtaada Facebook.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment