Bulsha:- Imaan tujiya masaajid weyn oo kuyaala dalka suuriya ayaa wuxuu dhageysteyaashiisa u sheegay shan sano ka hor qiso cajiib ah oo ku dhacday. Imaamka ayaa sheegay in habeen habeenada ka mid ah uu riyo ku arkay nabiga (NNKH), isagoo u sheegay inuu ninka dariskiisa ah uu usheego inuu isaga uu janada deris kula noqon doono.
Subaxdii markii la tukaday ayuu imaamkii u tagay ninkii deriskiisa ahaa ee uu fariintaa uu ugu siday Nabiga NNKH balse uusan usheegeynin fariintaas ilaa uu usheego waxa uu suubiyay ee uu ku muteystay derisnimada nabiga NNKH ee janada.
Ninkii ayaa diiday inuu imaamka u sheego waxa uu suubiyay. Hase ahaatee imaamki ayaa asna ku dhaartay inuusan u sheegi doonin fariinta ilaa uu usheego waxa uu ku muteystay jaceylka iyo derisnimada rasuulka.ninkii ayaa deedna ka codsaday imaamka inuusan dadkale u sheegi doonin. Imaamki ayaa arinti aqbalay.
Ninkii ayaa deedna bilaabay sheekadii “waxan guursaday gabar,aniga oo u heysta inay bikro tahay. Reerkeediina sido kale ayey aaminsanaayeen. Hase ahaatee waxa dhacday markii aan aqal galnay inan ogaaday inaysan bikro aheyn balse ay uur afar bilood ah ay leedahay. Deedna waan xanaaqay, aad ayaan arintii ugu xumaaaday.
Hase ahaatee maanan furin cidna uma sheegin xumaantii gabartaas. Waxana u sheegay inan u ceeb asturi doono waxana ka codsaday inay Ilaahay u towbad keento. Taladii ayay qaadatay cafis ayey Ilaahay weydiisatay, anigana in badan ayey igu shukrisay madaama aan u ceeb asturay waxayna noqotay gabar taqiyad ah oo Ilaahay aad ugu cabsata.
Waxan ka guurnay degmadii aan deganeyn si aan ugu ceeb asturo oo aanan loo ogaan inay uur tahay, maxa yeelay hadan aniga uurkaas sheegto dadka ayaa yaabi marka shan bilood kaliya kadib canug shinkiisa dhamaaday 9 bilood ay dhasho. Waxana degnay meel aan nalaga aqoon deedna halkii ayey ku wiil ku dhashay.
Wiilki ayaan ku duubay go’weyn aan lahaa deedna salaada subax ayaan aaday masaajidka aniga oo aysan cidna ii jeedin. Markaas ayaan wiilki albaabka dhigay. Deedna gudaha ayaan iska galay. Dadkii salaada u yimid ayaa arkay wiilka meesha yaala oo habaartan bilaabay. Waxana iska dhigay ruux aan waxba ka ogeyn markaasaa dadkii meesha isugu yimid ku iri”war wiilka maskiinka ah ee meesha lagu xooray aniga qaadanaya.
Dadkii ayaa ii duceeyay iyagoo maleeya inan waxba ka ogeyn. Xaaskeygi ayaan u keenay wiilkeedi iyadoo weli ku sugan oohin iyo taqwo Alle.
Dadkeygii waxan u sheegay in xaaskeyga canug kaso dhacay iyadoo shan bilood ah inleen shan bilood ayey is qabaane balse xaaskiisa waa 9 bilood. Hase ahaatee waxa intaa u raaciyay inuu Ilaahay canugii naga dilmay uu noogu bedelay wiil kale oo aan masaajidka kasoo qaadanay. Dadkii ayaa hadana u duceeyay. Ilaahayegii abauurtay iyo xaaskiisa kaliya ayaa og wax weliba uu sameynaayo.
U ceeb asturkaas xaaskiisa ayuuna ku muteystay janada iyo derisnimada Nabiga NNKH.meeqa anga naga mid aha ayaa u ceeb asturi laheyd gabar aan guursanay oo aan ceeb ku araganay . ciyaar maha ceeb asturka inleen Ilaahay ayaaba la baxay magaca Assataar (qariye –Daboole).
Meeqa xumaan iyo ceeb ayaan sameynaa hadana Ilaahay noo asturaa? Kawaran marwalba oo aan xumaan ku dhacno uu na fashilin lahaa? Dadka oo loo ceeb qariyo waxa lagu helaa ridaha Ilaahay SW maadama Eebe naftiisa noo ceeb asturo.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment