ARIMAHA QOYSKA : Maxaa kala socotaa waxyaabaha uu sida kadiska ah ninku kaga xanaaqi karo xaaskiisa

Bulsha:- Waxaa jira dhowr waxyaabood oo ninku si kadis ah kaga xanaaqi karo xaaskiisa kuwaasoo qaarna bur bur qoys keeni karaan qaarna ay yihiin kuwa xanaaqoodu ku egyihiin daqiiqadaha hore.

1- waxaa ka mid ah in xaasku qeylo kala hortagto ninkeeda marka uu shaqada ka yimaado xili uusan nasan oo xitaa dharka iska badelin sabab kasta ha ku timaadee.

2-waxaa ka mid ah in Ninku markuu shaqada ka yimaado uu guriga ka waayo xaaskiisa xili aysan jirin wax uu kala socdo halka ay jirto.

3-marka ninku xaaskiisa ku arko nadaafad la’aan xiliga uu damco inuu Jameeco.
4-daryeel la’aanta caruurta

5-adeecid la’aanta gaar ahaan mararka uu guriga ku nasanayo.

6-Xiliyada Farxada oo xaasku abuurto jawi kacsanaan iyo buuq aan sabab macquula laheyn.

Haddaba waxaa jira qodobo kale oo intaan ka badan wayna u furan tahay aqristayaasha sharafta leh inay noo gudbiyaan qodobo intaan ka badan hadii ay hayaan waxaana balan qaadeyna inaan soo bandhigno Insha Allaah.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment