Bulsha:- Madaxweynaha Doowlada Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa beeniyay in ciidamada Doowlada ay mar marka qaar qaadanin Mushaar.
“Waxaa badatay in la dhaho xuquuqda ciidamada waa maqan tahay, anaga waxaa nahay dowlad maskiin ah oo dhaqaalaheeda xadidan yahay, waxa soo gala ay kooban tahay, kaalmada caalamiga ee aan helnana aad iyo aad ayay u kooban tahay, dib u dhac waa jirtaa, laakiin askari mushaar qaadan ma jiro”ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxa uu sheegay in askariga mararka qaar uu ka soo daaho mushaarka bil illaa saddex bilood, balse aanu jirin askari loo waayo wax mushaar ah.
Madaxweynaha oo tababar usoo xiray ciidamo Kumaandoos ah
“Askariga Somaaliyeed intooda badan garaam kama maqnaado, mushaarka waa maqnaan karaa, askari baahi sheegan karo ma jirto, bil kama baaqan, waa been abuur waxa la wado ee la leeyahay askarta waa qadsan tahay”ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa faray Wasiirada Difaaca, Amniga iyo Maaliyadda inay dadka u sharaxaan oo ay idaacadaha fariistaan, iyadoo aan wax la qarineyn ay sheegaan wixii dowladda karaankeeda ah ee la qabtay iyo wixii awood dhaqaale ee la hayay in askarta dowladda ay helaan mushaar.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment