Ma Ogtahay In Shruti Haasan Ay Magaca Badalatay Xiligii Iskuulka Dhigan Jirtay Iyo Sababta Ka Dambeesay

Bulsha:-  Kulanti wanaagsan saaxiibada sida joogtada ah noogu xiran waxaan idinka mahad celineynaa marka hore sida wanaaga ku dheehan oo aad noogu dhiiri galisaan socod siinta barnaamijkan xiisaha badan oo aan todobaadkii labo maalmood oo ka mid ah idinla wadaagno (Isniin & Khamiis).  

Fadlan hoos kaga bogo maanta macluumaaadka kala duwan ee aan soo aruurinay kadibna ka dhiibo fikirkaaga saliimka ah iyo talo soo jeedintaana waa muhiim:                                                                             

Ma ogtahay in Shruti Haasan ay door bidi jirtay in magaca Pooja Ramachandram loogu yeero xiligii ay iskuulka dhigan jirtay, madaama ay diidaneed in xiligaas maamulka iyo macalimiinta Iskuulka ay ula dhaqmaan sida gabar Super Star dhalay.     
                                                                                                Waayo hadafkeeda wuxuu ahaa inaan la ogaan in Super Star Kamal Haasan aabaheed yahay si arday caadi ah loola dhaqmo balse aan qiimeyn gaar ah loogu sameynin!                                                                 
Ma ogtahay in Aamir Khan si uu doorkiisa filimka PK luqada reer Bhojpuri ee uu filimkan ku hadlaayo xidigan ku qaadatay barashadeeda mudo labo sano ah waxaana barashada Af Bhojpuri ka caawiyay Shanti Bhushan oo ah qoraa reer Bhojpuri oo Tv­yada la shaqeeyo.                                                

Ma ogtahay in heesta Jalte diye ee filimka Prem Ratan Dhan Payo ku jirto loo baahday 150­qofood markii la duubayay inay si joogto ah u ilaaliyaan dabka ka shidan heraaraha Salman iyo Soman ku heesayaan, micnaha iftiinka shumaca naqshada heesta qurxinaayo 150­qofood ayaa loo xil saaray inay ilaaliyaan si aysan u damin inta duubista heesta socotay!                                                                         
Ma ogtahay in Director Imtiaz Ali uu ugu tala galay in duubista filimkiisii Highway (2014) lagu dhameestiro mudo 60­cisho ah, balse kooxda filimkan oo ay ugu horeyso Alia Bhatt oo dadaal xoogan sameeyeen ayaa ka caawisay Imtiaz Ali inuu mudo 52­maalmood filimkan shaqadiisa kusoo afjaro weliba tuulooyin magaalada ka fog oo safarkeeda dhib badan ayaa inta badan filimkan lagu duubay.                                                                                                                                                                                       
Ma ogtahay in Super Star Sunil Dutt ka hor inta uusan jilaa noqonin uu Radio Ceylon ee magaalada Mumbai ku yiilan 50­kii wariye ka ahaan jira. Mase ogtahay in Sunil Dutt uu taageero u ahaan jiray atirishadii laga dambeyn jiray xiligaas Nargis, waxaana maalin u suura gashay inuu wareysi idaacada kaga qaado laakiin markii uu arkay Nargis wuxuu awoodi waayay inuu hadlo (Afkii ayaa juugda gabay)!







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment