Bulsha:- Murqaaniga Bollywoodka ayaa ka dhawaajiyay inuu marwalbo xiiseeyo filimada uu sameeyo Mr. Perfectionist Aamir Khan.
Jon Abraham oo xayeysiin u sameenayay filimkiisa cusub Rocky Handsome ee haatan tiyaatarada saaran ayaa ka dhawaajiyay in Bollywoodka laga rabo sameynta aflaan xambaarsan fariimo kala duwan.
John wuxuu yiri “Waxaa wanaagsan inaan marwalbo hormarino tayada filimadeena sidoo kalena aan la socono baahida daawadayaasheena” “Waayo lama joogo xiligii aan iska sameyn jirnay fariintii aan rabno sidoo kalena daawadayaasha u deyn jirnay inay filimkeeda go’aan ka gaaraan” “Waxaa qasab ah inaan hal abuur la imaano sida Aamir Khan oo ah xidig marwalbo sameeyo aflaan fariimo dadka soo jiidan karo la imaado” “Aadban u jeclahay daawashada filimka Aamir Khan hogaamiyaha ka yahay waayo marwalbo sheeko ahaan dhambaal cuusb ayay xambaarsan yihiin”

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment