Salman Khan Oo Soo Jeediyay In Tiyaataro Badan Duleedka Magaalooyinka Hindiya Laga Dhiso

Bulsha:-  Dabangg Khan ayaa dhaliilsan in sanad walbo Bollywood­ka sameeyaan filimo 200 tiro ahaan gaarayaan hadana sanad walbo ay guuleestaan aflaan aad u kooban.      

Mega Star Salman Khan ayaa soo jeediyay in la badiyo tirada tiyaatarada kala duwan ee haatan gudaha Hindiya ku yaalaan wuxuuna aaminsan yahay hadii masrxadyada la badiyo sidoo kalena macaashka badan doono. 

Salman Khan wuxuu yiri “Waxaa jiraan tiyaataro kooban oo Hindiya ku yaalo balse awoodeena waan adeegsan karnaa ilaa 10,000 oo tiyaatar ayaan duleedka magaalooyinka waa weyn ka sameyn karnaa” “Waxaa wanaagsan in tiyaatarada duleedka magaalada laga sameeyo halka xafiisyada tikit­ka laga goosanayo gudaha magaalada lagu reebo midaas waxay in badan naga caawin laheyd inaan ganacsi balaaran sameyno” Salman Khan ayaa qabo aragti ahaan hadii tiyaatarada la badiyo in filimo waa weyn hal maalin la saari karo sidoo kalena mid walbi ganacsi wacan sameyn karo.  
                                                          Inkastoo Bollywood­ka ay tahay shirkada aduunka ugu filim soo saarista badan hadana dhaqaale ahaan sanad walbo macaashka ah Bollywood­ka helaan waxay 10% kala eg yihiin daqliga sanad walbo Hollywood­ka soo galo! Sababtana waxay tahay in gudaha Mareekanka ay ku yaaliin tiyaataro aad u fara badan halka Hindiya ay koobin yihiin masraxyada wax laga daawado sidoo kalena tiyaatarada casriga ah aysan gudaha Hindiya ku badneyn.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment