Ka faa’ideyso 18-qodob oo hoos u dhigi kara is furitaanka Lamaanaha

Bulsha:- Gabaryahey waxaan kuu haynaa Talaabooyin aad kuugu anfacaya in saygaaga aad Indhaha ka qabsatid Oo adiga Oo kaliya uu kuu soo jeesto.

* Xitaa hadaad ka careysan tahay u muuji dhoola cadeyn iyo farxad .
* Codkaada yuusan ka sara marin kiisa oo haka tagin adeegsiga erayada mac macaan

* Tix Gili Ra`yigiisa
* Hadalka haku jarin oo haka dhex gilin gaar ahaan marka aad hor joogtaan ehelkiisa ama ehelkaada.

* Mar waliba ahaaw mid nadaafadda u saaxib ah , oo u muuji muuqaal ka qurxoon kii markii uu ku soo guursanayay .

* Gurigaada marti uga dhig oo sida qof marti u casuun .
* Ha iloobin in aad qaabisho marka uu guriga soo galayo oo sii kala habeey caruurta .
* U abuur jawi u mar waliba ugu baahanayo in uu guriga ku soo deg dego oo jawiga guriga daji oo ka dhig mid aan laheyn sawaxan.

* Marka aad dooneysaan in aad meel u wada baxdaan saacad ka hor ahaaw mid diyaarsan ogoow ragga ma jecla sugitaanka .

* Erayada gacaliye , qaali, macaane ha ahaadan kuwo carabkaada xifdiyay erayadaasna marka telka aad kula hadleyso ha u adeegsan saaxibadaada gabdhaha ah oo ka dhig erayadas kuwa isaga u gaar ah , ha yareysan erayadan saameyn ayay ku reebaan ninka .

* Ha qaban telkiisa hadii uu joogo .
* Ha Faafin sirtiisa oo xitaa qofka aad ku kalsoon tahay ha u sheegin wax isaga ku saabsan .

* Ha dareensiin ninkaada in aad tahay maseereey
* Dadka hortooda ha ku yareersan ra`yigiisa
* Ka Ilaali Beenta ahaaw mid wax waliba run ka sheegta .
* U Mahad Celi hadii xitta hadi wax sidaas u sii yar uu kuu keeno .

* Aqoonsanoow cunooyinka uu aadka u jecel yahay qaadashadeeda
* Dareensii in uu yahay ninkii aad ku riyooneysay oo aadan raali ahaansho dareemeyn la `aantiisa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment