Bulsha:- Gabaryahey waxaan kuu haynaa Talaabooyin aad kuugu anfacaya in saygaaga aad Indhaha ka qabsatid Oo adiga Oo kaliya uu kuu soo jeesto.
* Xitaa hadaad ka careysan tahay u muuji dhoola cadeyn iyo farxad .
* Codkaada yuusan ka sara marin kiisa oo haka tagin adeegsiga erayada mac macaan
* Tix Gili Ra`yigiisa
* Hadalka haku jarin oo haka dhex gilin gaar ahaan marka aad hor joogtaan ehelkiisa ama ehelkaada.
* Mar waliba ahaaw mid nadaafadda u saaxib ah , oo u muuji muuqaal ka qurxoon kii markii uu ku soo guursanayay .
* Gurigaada marti uga dhig oo sida qof marti u casuun .
* Ha iloobin in aad qaabisho marka uu guriga soo galayo oo sii kala habeey caruurta .
* U abuur jawi u mar waliba ugu baahanayo in uu guriga ku soo deg dego oo jawiga guriga daji oo ka dhig mid aan laheyn sawaxan.
* Marka aad dooneysaan in aad meel u wada baxdaan saacad ka hor ahaaw mid diyaarsan ogoow ragga ma jecla sugitaanka .
* Erayada gacaliye , qaali, macaane ha ahaadan kuwo carabkaada xifdiyay erayadaasna marka telka aad kula hadleyso ha u adeegsan saaxibadaada gabdhaha ah oo ka dhig erayadas kuwa isaga u gaar ah , ha yareysan erayadan saameyn ayay ku reebaan ninka .
* Ha qaban telkiisa hadii uu joogo .
* Ha Faafin sirtiisa oo xitaa qofka aad ku kalsoon tahay ha u sheegin wax isaga ku saabsan .
* Ha dareensiin ninkaada in aad tahay maseereey
* Dadka hortooda ha ku yareersan ra`yigiisa
* Ka Ilaali Beenta ahaaw mid wax waliba run ka sheegta .
* U Mahad Celi hadii xitta hadi wax sidaas u sii yar uu kuu keeno .
* Aqoonsanoow cunooyinka uu aadka u jecel yahay qaadashadeeda
* Dareensii in uu yahay ninkii aad ku riyooneysay oo aadan raali ahaansho dareemeyn la `aantiisa
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment