Bulsha:- waji Waxa ay Warqad Talo Celin ah Naga Soo Gaartay Gabar Magaceeda Ku Sheegtay Sumaya C/laahi oo Ku nool Magaalada Muqdisho Waxa ayna Qoraalkeeda Ku Bilowday Sida Tan:-
Marka Hore Waan idin Salaamay Bahda Shabakadda xayaati.com Salaan Kadib Waxaan Maanta ahay Talodoon La Ciir Ciiraya Arimo is Biirsaday ee Hoos aan Idinku Bayaaniyo Sida Wax u Jiraan.
Waxaan in Mudda ah-ba Jaceyl Wadaag aheyn Wiil Kamid ah Wiilasha Igula Dhaqan Magaalada Muqdisho Kasoo Jaceylkiisu uu Soo Jiitamayay 90 Casho ( Sedex Bilood), Waxaase Maalmihii Lasoo Dhaafay uu igu Gacan Seyray In Jaceylkeena uu Sii Socdo isaga oo Sabab Uga Dhigayo Wax aniga iyo asaga Na Dhex Maray oo uu Magaalada Si Xan ah ugu Maqlay anigana Waxaan ahay Qof iska Dhalo Cadeey ah Waxbo Ma Qarin Karee Dad aan si Kaftan ah ugu Sheegay ayaa Warkaa Usii sarifay isaga.
Warkaa ayaa Waxa uu ahaa Lacago Dhowr Jeer uu Igu Caawiyay ayaa Dad waxa ay Ku yiraahdeen Gabadhii Saaxiibtaa aheyd Waxa ay Dhaheysa Baacaas Waan iska dar daraa ereygaas ayuu Jaceykeyga eersanaya ee sideen wax yeelaa .
Talo Celin bahda bulsha.com
Sumayo salaanta aad hawada noosoo marisay mid lamid ah ayaan anagana kusoo direynaa, teeda Kale Ninkaan Saaxiibkaa ah wixi idin dhex maray ma aheyn adiga in aadka aad ugu sheekeyso siraha qaar waa la qariya, hadda waxa ku heysto fiiri lacag ayuu kusiiyay dad ayaad u Sheegatay inuu saaxiibkaa Ku caawiyay, laakin waxa warkii la gaarsiisay iyada oo Loo warxumeynayo laguna Leeyahay Saaxiibtaa waxa Ay Ku Dhaheysay Baacaas ayaan Kasoo dar daray Lacagta, Ogow Godkii aad Adigu Qodotay ayaad Maanta Ku Dhex Dhacday Cid Ku Caawisana Ma Heysatid ilaa Alaha Awooda Lihi Albaab Kale Kuu Fura Maahe.

Waxaan rajeyneynaa in aqristayaasha xayaati.com iyana waxii ay awoodaan oo talo ah ay ku raacsaniin doonaan qeybra hoose , mahadsanid
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment