Bulsha:- Kooxda Waayaha Cusub ayaa beryahaan ku mashquulsanaa album cusub oo ku sameeynayeen magaalada laga dejiyay Holland ee Rotterdam, waxayna showgii ugu horeeyay ee ay ku qabtaan magaalada Malmo ee dalka Swedan uu noqday mid ay ku khasaareen.
Waayaha Cusub ayaa ah kooox isku xiran, iyadoo khasaaraha showgoodii Malmo uu sabab ahaa albumka cusub oo aysan suuq gelin, dhegaha dadkana baran inay la shir tageen.
Waxaana la sheegay in showgii Malmo ay yimaadeen tiro dad aan dhameyn 150 qof ama ka yar sida aad ka arki kartid Videogaan oo ka mid ah heesaha cusub ee ay kooxda kusoo bandhigtay Malmo. Showkaan kan ku xiga ayey ku balansan yihiin inay ku qabtaan magaalada Göteborg.
Halkaan Hoose ka Daawo
Waayaha cusub ayaa intii ay ku mashquulsanaayeen magangelyada ay Holland ka heleen waxaa hoos u dhac uu ku yimid fankooda, iyadoo ay hadda u muuqdaan inay boorka iska jafayaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment