Saraakiisha Baadhaya Qaraxii Daallo oo Xog cusub bixiyey iyo Axmed M. Fiqi oo sheegay Sidii wax u dhaceen (Waraysi)

Bulsha:- Saraakiil Soomaali ah oo baadhaya Qaraxii diyaaradda Daallo ka dhacay, ayaa sheegay in ay u eg tahay in qaraxa ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal amni oo sare, oo magaciisa qariyeyayaa sheegay in baarayaasha ay hayaan caddeymo muujinaya in Al-Shabaab ay ka dambeysay qaraxa, islamarkaana ay goor dhow soo gudbin doonaan natiijada baaritaanka.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in sida wax u dhaceen iyo caddeymaha la hayaba ay muujinayaan in qarax bam uu ahaa waxa dhacay.

Dadka deegaanka degmada Balcad ee duleedka Muqdisho ayaa helay meydka qof jirkiisa go go’ay oo la rumeysan yahay inuu diyaaradda kasoo dhacay, qofkaasi oo ah qofka kaliya ee ka maqnaa dadkii saarnaa diyaaradda markii ay soo caga dhigatay, Sidoo kalana Baadhayaasha ayaa rumeysan in ninka diyaaradda ka maqnaa uu qaraxa ka tuuray duleelka ka muuqda diyaaradda.

HALKAN KA DHEGAYSO – WARAYSIGA IYO WARBIXINTA


Axmed M. Fiqi ayaa sheegay inuu helay akhbaar ah in qofka la tuhunsan yahay inuu qaraxa ka dambeeyey uu si qasab ah u fariistay kursi u dhow taankiga shidaalka diyaaradda, Fiqi waxa kale oo uu sheegay in qofkaas uu damacsanaa qarax xooggan oo diyaaradda bur-buriya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment