Bulsha:- Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland oo dhinac ah iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayaa maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Kismaayo.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay weerareen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahayeen deegaanada Buulo_Gaduud iyo Yoontooy ee gobolka Jubbada Hoose..
Dagaalka ayaa ku billowday duqeyn ay sameeyeen ciidamada Itoobiya, waxaana xigay iska horimaad toos ah oo aad u qaraar oo dhex maray labada dhinac.
HALKAN KA DHEGAYSO WARBIXINTA DAGAALKA KISMAAYO
Isgaarsiinta Kismaayo iyo gobollada Jubbooyinka ayaa daciif ah, dagaalkana weli waa uu socdaa, Sidoo kalana Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha dagaalka.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment