Bulsha:- Dhib badan ayaa laga marayaa duubista filimka Hrithik Roshan uu soo wado ee Mohenjo Daro’ sidaas waxaa wariyaasha u sheegay Aktarka.
Hrithik Roshan ayaa sheegay iney taas sabab u tahay duufaano xoogan oo ka dhacaya halka ay duubista ugu tala galeen waxaana uu sheegay dadka jilaya Filimka xitaa iney u suuxeen duufaanta darteed.
Laakiin wax kasta oo dhaca ayuu yiri waxaan ku faraxsanahay sida cajiibka ee ay u socoto duubista.
“waxaan u shaqeyneynaa sida adag iyadoo ay duufaanta socoto,maxaan dhahaa inta aan howsho ku jirnay dad badan ayaa uu xuusay duufaanta ayuu yiri.
Atooraha ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu Mohenjo Daro uu ka soo muuqanayo isagoo qaawan sida filimkii Aamir khan ee PK oo kale.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment