Hal-Qabsiyo Iyo Maahmaaho Aad Iyo Aad Kaaga Yaabin Doono Oo Aay Ummado Kala Duwan Ee Dunidu Ka Yiraahdeen Dumarka..

Bulsha:- Qormadan waxa uu webka bulsha.com kusoo bandhigayaa wadamada adduunka iyo waxey ka yiraahdeen dumarka:

– Japan: Shaydaanku waa macalin ragga, laakiin dumarka waa u arday, (Maahmaah).

– Hungry: Hooyada eeg, kadib inanta guurso. (Inanta aad guursanayso hooyadeed baa la eegaa) (Maahmaah)

– Czech: (Maahmaah) Gidaar ciiraya iyo gabadh midna ha isku hallayn hana cuskan. Masar: (Maahmaah).

– Ilmahaagu waa hadba waxa aad ku barbaariso, xaaskaaguna waa waxa aad barto uun.

– Haddii uu ninku bad ahaan lahaa, gabadhu biriish lagaga tallaabo ayaa ay noqon lahayd.

– Ingiriiska: Gabadha hubkeeda ugu weyni waa carrabkeeda.

– Gabadha Foosha xumi ninka waa u calool xanuun joogto ah, gabadha quruxda badanina waa u madax xanuun.

– Xubinta ugu dambaysa ee ninka ka dhimataa waa qalbiga, dumarkana xubinta ugu dambaysa ee dhimataa waa carrabka.

Portugal: Gabadhii laba wada jeclaataa labadaba waa ay khiyaamaysaa.

India: Gabadhu hadalka ma joojiso illaa ay oydo.

France: Maalka iyo gabadhuba waxa ay lumiyaan ninka.

– Ninku waa dab, gabadhuna waa xaabo, Iblaysna waa dabayshii hurinayey.

– Ireland: Saddex nooc oo ragga ahi dumarka ma fahmaan; Dhalinyarada, odayaasha iyo gadh madoobaha. (Macnaheedu waa in aanay ragga isba fahmin, marka laga reebo ubadka ay korinayaan).

– Germany: Nina aan xaas lahayni waa Madax qaarkii dambe uu ka maqan yahay. Gabadh aan nin lahaynina waa jidh bilaa madax ah.

– Spain: Indhaha ayaa ay gabadhu wax ku codsataa, wax ku qaadataa, wax ku nacdaa, waxna ku dishaa.

– Gabadha iyo adduunyadu waa sida Hadhkaaga, haddii aad daba gasho waa ay kaa carari, haddii aad ka carartana waa ay ku daba geli.

– China: Dumarka iyo Madaxdu waa isku mid, waa dhif in ay labadooduba helaan saaxiib daacad ah. La soco…






source:- kubciye
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment