Bulsha:- Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillda Dowlad goboleedka Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Garoowe ayaa waxay si KMG ah u ansixiyeen xeerka xadgudubyada galmada.
Baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan wuxuu guddi kasoo shaqeeya xeerkaan uu magacaabay, kaasoo ka koobnaa Shan Xildhibaan.
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada DPL oo dood iyo falaqayn dheer kadib, ayaa fadhigoodan maanta isniinta ah 07-02-2016 si ku meel gaar ah u ansixiyey xeerka xadgudubyada galmada ee Puntland.
gudiyada-parlamaan-pl-1Fadhigan ayaa waxaaa xaadiray 10 xildhibaan una guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillda DPL Axmed Cali Xaashi ayey dhamaan xubnaha ka soo qayb galay si buuxda isugu raaceen ansixinta ku meel gaarka ah ee xeerka kaasoo si rasmi ah loo ansixin doono kalfadhiga 37-aad ee Golaha Wakiillada yeelan doonaan bisha june 2016 .
Deegaanada Puntland ayaa waxaa ka dhaca xadgudubyo dhinaca galmada ah, dacwadoodana ay horyaalaan maxkamaddaha Puntland.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment