Kulan lagu Tageerayay shirka Aaayo ka talinta Gobolka Hiiraan oo lagu qabtay Netherlands

Bulsha:- Kulan ballaaran oo ay soo qaban-qabiyeen Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Netherland, kaasoo lagu taageeray shirka ka socda magaalada Baldaweyne ee aayo-ka-talinta gobolka Hiiraan oo uu Horkacayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa lagu qabtey magalada Rotterdaam ee Waddanka Netherlands.

Qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Reer Hiiraan ee Dalka Netherlands iyo Dalalka dariska la ah ayaa ka qaybgalay kulankan, waxaa dhammaan Xubnihii ka Qayb-galay ay si wadajir ah u tageereen go’aanka ay qateen Wax-garadka Gobolka Hiiraan.

Wax-garadkii iyo Aqoon-yahannadii ka Hadlay Madasha ayaa ka dhawaajiyay in Gobolka Hiiraan uu yahay Gobol ballaaran oo fac-weyn, kana dambeeya Siddeeddii Gobol ee lagu Aasaasay Jamhuuriyadda Somalia oo anan wili la kala qaybin, xaqna u leeyihiin shacabka ku nool gobolkaas inay aayahooda ka tashadaan.

Sidoo kale, Waxaa la isla Meel-dhigay in Shir-weynaha ka Socda Magaalada Beledweyne lala garab-is-taago tageero dhinac walba leh, waxaana sidoo kalena ugu baaqay Jaaliyadaha kale ee ku nool Qurbaha inay iyaguna garab-is-tagan Shirweynaha aayo-ka-talinta Gobolka Hiiraan, ayna taageeraan natiijadii kasoo baxda.

XUBNIHII KA HADLAY MADASHA WAXAA KA MID AHAA;

Gud. Jaaliyadda Reer Hiiraan – Dhqane Adan Nuur2. Gud. Ku-xigeenka – Ali Ayaxoow3. Xoghayaha – Ali Waare4. Nabdoon – Mahamoud Gacal5. Inj. Ahmedey Guul-wade6. Col. Mustaf7. Waris Farax Ducaale8. Aadan Duqoow Iyo xubno kale oo badan.
Ugu dambeyn, Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa Waxaa ka Socda shir uu guddoominayo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble kaasoo ay Qayb ka yihiin xubnaha baarlamaanka Somalia ugu jira Gobolka Hiiraan.






_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment