Filimka Akshay ee Airlift oo dowladda India la dhacday

Bulsha:- Dowladda India ayaa war ay soo saartay kaga hadashay filimkii dhawaan soo baxay ee Airlift, atooraha ka yahay Akshay Kumar  kaasoo lagu madalayay Qisada filimkaan dagaalkii Kuwait ee 1990-kii, iyo dadkii ka qaxay xiligaas dalka Kuwait oo ey ku jireen 1 –milyan iyo 700 –kun oo Hindi ah.

Wasiirka arrimaha dibada India Sushma Swaraj ayaa sheegtay in Akshay Kumar iyo kooxdiisa filimka Airlift ay xaqiiqada dhabta abaareen, taasoo ka turjumaysa doorkii ay dowladda India ku laheyd.

Wasiirada ayaa intaa raacisay in filimkaan uu tusaale fiican u noqon doono jiilka cusub ee aan wax badan ka ogeyn dhacdadii Kuwait iyo Ciraaq ee lagu soo badbaadiyay muwaadiniintii u dhashay India.

Waxay mahad ballaaran u jeedisay Jilaaga filimka oo door so jiidasho leh ka qaatay iyo qoraha iyo directorka filimka  Raja Menon.

Akshay Kumar ayaa filimkaan ku jilay maal qabeen India u dhashay oo soo badbaadinaya muwaadiniinta dalkaasi ku xanibnaa iyo shaqaalaha safaaradda Kuwait.

Jilaa.com







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment