Bulsha:- Inkastoo ay hada da’ yihiin hadana waxaa la dhihi karaa Amitabh Bchchan iyo Dharmendra, waa labada shaqsi ee maanta gaarsiiyay heerka uu taaganyahay Bollywoodka. Labadaan cabqari ayaa lagu wadaa ineey dhawaan kasoo wada muuqdaan hal dhacdo, taasoo ah ineey soo bandhigaan Album cusub oo ay leedahay Aktarada iyadana cabqariyada ah ee Hema Malini.
Amitabh iyo Dharmendra, ayaa maalinta jaceelka Aduunka oo saacado naga xigaan, soo bandhigi doona Albumka Hema Malini.
Qaar kamid ah Heesaha ku jira Albumkaan oo ay qudheeda ku luqeysay Hema Malini, ayaa Heesta 1-aad ee beri laga soo bandhigi doono, waxaa lagu magacaabaa “Aji Suniye to Zara”.
Albumkaan oo ay kujiraan Heeso muuqaal ah, ayay Hema Malini ku duubtay magaalo Xeebeedka quruxda badan ee (Goa).

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment