Bulsha:- Rag badani waxey jecel yihiin inay roomaantik noqdaan, balse waxaa ka dhiman habkii ama ma garanayaan sida ugu sahalan ee loo noqon karo . Sidaa darteed waxaan ku siinayaa afkaar kaa dhigaysa nin roomaantik ah oo aad u riyaaqi doonto :
* Hadaad ubax u dhigto iyadoo uu lasocdo hadal macaan oo aad uqortay, udhig meel ay ka arki karto sida sariirta ama miiska si ay u aragto adoo ka maqan guriga.
* Haday kaa hor marto sariirta si ay seexato adna wali aadan seexan, daqiiqado sug kadib si tartiib leh soo gal qolka, oo bustaha ama go’a u huwi sifiican oo dhunko kadib iska bax si tartiib leh.
* Marmar gaariga hadaad raaceysaan ka hor mar oo ufur albaabka gaariga.
* Markay seexato u qor fariin hadalo jacayl ah iyo xiiso ku jira, si ay marka ay soo toosto u akhriso.
* Hadaad ka soo hor toosto marmar quraac fudud u diyaari waxa aad awoodid, oo sariirta ugu keen kuna kici hadal macaan.
* Markaad aad cuno cumto marmar dhunko gacanteeda oo ku mahdi cuntada adoo amaanaya cuntadeeda, oo la aruuri weelasha adoo la aruurinaya weelka oo jikada gaynaya la yara fara cayaar.
* Marmar hadii aad baxayso oo ay kabaha xaragooda xiranayso uyara foorarso oo isku day inaad kala caawisid xirashadeeda.
* Marmar barnaamij idinkoo wada daawanaya, jikada aad adoo aamusan oo kaga yaabsii inaad ukeentay shaah iyo buskud, adoo dhoola cadeenaya oo faraxsan.
* Iyadoo qolka hagaajinaysa kaga yaabsii inaad qolka kale hagaajisay iyadoo rabta inay hagaajiso.
* Adoo banaanka ku maqan shaqo ama asxaabtaada la maqan, iska soo wac daqiiqado oo usheeg inaad usoo xiistay.
* Hadii baabuurkiina qof sadexaad idin la saaran yahay, iyaduna ay gadaal fadhido, indhaha ku xad muraayada oo u iljabi marmar, ha yaabtee.
* Marmar saliid ama cream inta aad soo qaadato u duug jirkeeda .
* Hadaad ka hor kacdid oo la idin ka rabo qubayska waajibka ah, inaad u diyaarisid tuwaalka (shukumaanka) markaad adiga dhamaysatid u huwisid ama ugali tuwaalka.
* Inta ay uurka leedahay inaad uduugtid, ama kareem umarisid cageheeda.
* Banaanka idinkoo wada socda kaga yaabsii inaad dukaan iska gashid oo aad hadiyad uqaadid.
* Inta ay uurka leedahay caloosha usalaax oo aabe sugi kari la’a ilmihiisa noqo, marmarna ka dhunko caloosha, oo iska dhig mid raba inuu dhagaysto ilmaha.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment