Inan yaheey Baro Nuucyada Xaragada Gabdhaha Ee Wiilashu Ay Necebyihiin

Bulsha:- Jariirada Glamour ayaa waxa ay waraysatay wiilal, si ay u ogaato waxa raga xiiso jabiya. Wiilasha ayaa waxa la waydiiyay in ay liis ka qoraan waxyaabaha ugu daran ee gabadhi samayo ee xiisa jabiya wiilasha.

-Wax yaalaha ugu daran ee ay wiilashu safka ugu horeeya ku qoreen, oo xiiso jab ku ridaya ayaa waxa ka mid ahayd in ayna xidhan habluhu sharabaado dhaadheer oo u eeg sida shabakada kaluunka lagu soo qabsado. Taasina waxa ay keentaa in aad loo fiirsho gabadh xiran iskaashooyinka noocaas ah. Gabadhii rabta in ay soo jiidato wiilalasha indhahooda waxa u fiican in ay gashato goono.

Waxa kale oo xiisaha iyo soo jiidashada wiilasha hoos u dhiga marka gabadhi ay aad u mariso dibnaheeda xamuurad ama roseto guduud u ah. Sababtuna ay tahay in xamuuradu ay wasaqeenayso dharka, taas oo raguna u fasiranayaan in ay gabadhu rabin in sayigeedu dhunkado ama u soo dhawaado. Si kale hadii loo dhigo ayaa ah, ha iga halayn quruxda aan ka helaayo roseetada ii marsan ayay jariidadu ku sii dartay….

Waxa kale oo ay wiilashu u arkeen in ay xiiso jab tahay marka ay gabadhi ku aado shaqada kastuumo la’aan iyo rajabeeto la’aan. Laakiin hadii ay ku joogto guriga kastuumo la’an ayada oo ugu tala gashay sayigeeda ay tahay mid aad u xiiso badan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment