Bulsha:- Habeenka Aqalgalku waa habeennada nolosha qoys kan ugu horreeya, galmada dhacda habeenkaasi bayna gabadhu isugu bedeshaa haweeney, sidaasi
daraadeed aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay haweeneyda cusub. Waxa ugu muhiimsan ee habeenkaasi dhacayaa waa bekrajebinta.
Bekradu waa xuub ama dub khafiif ah oo ku dahaaran afka hoose ee cambarka,
waxaana ninka waajib ku ah inuu dillaaciyo ama ballaariyo xuubkaasi kolka ugu
horreysa ee uu dhalfada gelinayo cambarka.
Ragga khibraddoodu ay yartahay qaar baa u haysta in bekrajebintu ay u baahan
tahay xoog, kana shakiya awooddooda sidii iyaga oo ku jira ciyaar kooxeed,
cabsidaasi oo dhibaato nafsiyadeed ku abuurta habeenka aqalgalka.
Haddaba xaqiiqdu waxa weeye in bekrajebintu aanay u baahnayn xoog, ha
yeeshee ay ku filan tahay oo qura geedka ninka oo kaca dhalfaduna adkaato oo aad ku garaacdo xuubka guda oo ah bikrada dhabta ah.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment