War Deg Deg ah " Masuuliyiinta ku sugan Gaalkacyo oo Cabsi lasoo daristay iyo Madaafiic Culus oo ka dhaceysa Gaalkacyo

Bulsha:- Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa xiligan kasoocda dagaal culus iyo duqeymo u dhaxeeya Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntiland ,kuwaa oo maalmo kahor magaaladaasi horey ugu dagaalamay.

Dagaalka ayaa ku bilowday Duqeymo culus ay labada dhinac isdhaafsanayeen, waxaana qeybo badan oo kamid ah Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kusoo dhacay madaafiic xoogan oo bur bur xoogan gaarsiiyay Magaalada.

Madaafiicda la is dhaafsanayo ayaa qaarkood waxa ay ku dhaceen goobo ku dhaw Hoteelo ay ku sugnaayeen Masuuliyiin katirsan Dowlada iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee waan waanta nabadeed u joogay Magaalada Gaalkacyo.

Masuuliyiinta ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa xiligan lasoo daristay cabsi iyo araggax ay ka qaadeyn dagaalka iyo Madaafiicda culus ee ka socota Magaalada Gaalkacyo, waxaana Magaalada banaanka uga baxay qaar kamid ah Masuuliyiintii halkaasi ku sugneed.
Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DowladaFederaalka ayaa xiligan waxa ay ku sugan yihiin gabaadna ay ka dhigteen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Punriland ayaa wali kuwada sugan Magaalada Gaalkacyo, waxaana banaanka soo baxay shaki ay dad badan ka qabeen in aysan labada dhinac daacad kawada aheyn heshiiskii shalay Gaalkacyo lagu kala saxiixday.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Dagaalka ka socda kala Soco wararkayaga Dambe Insha Allah







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment