Bulsha:- Atariishada Amyra Dastur ayaa lagu soo waramayaa in ay saxiixday mashruuc ka yimid Hollywoodka, kaasoo ah in ay kaalin ku yeelan doonto film uu wado jilaaga caanka ah ee Jackie Chan.
Filmkaan oo lagu magacaabo Kung Fu Yoga, ayaa ah mid ka koobnaan doona action iyo comedy, waxaana soo saare ka ah Stanley Tong.
Kung Fu Yoga ayaa waxaa lagu jili doonaa dalalka China iyo India, waxaa lagu jili doonaa luuqad ahaan English iyo Hindi.
Adduun dhan US$65 million ayaa loogu talagalay in lagu qarash gareeyo filmkaan, waxaana sidoo kale ka dhex muuqan doona Ileana D’Cruz, Aarif Rahman, Sonu Sood iyo Zhang Yixing.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment