Bulsha:-1- Waqti hore la toos ninkaada oo u diyaari suuliga ka dibna quraacda kana taageer xerashada dharka .
2- Ku macsalaameey dhoola cadeynta , hadii uu gaari leeyahay uga dig in xawaare sareeya gaariga uu ku kaxeeyo , una xaqiiji in aad ka sugeyso wicitaan uu qalbiga uu kugu dajinayo marka uu goobta shaqada gaaro .
3- Si waliba oo aad u daalan tahay gurigaada nadaafada marti ha u ahaado oo caraftiisa ha baxdo .
4- Ka hor inta uusan guriga ku noqon odayga adiga iyo caruurta ha yimaado idinka oo dhal dhalaalaya oo la idin moodo dhayman .
5- Marka uu guriga yimaado ka saacid iska bixinta dharka adiga oo weydiinaya sida xaalkiisa maalintaas ahaa , una sheeg in aad si weyn ugu xiistay .
6- Ha seexan waligaa hortiisa in aad ka dambeyso mooyee , inta uusan seexan weydii haddii ay jirto wax uu u baahan yahay .
7- Qoyskiisa iyo macrifadiisa ku qaabil waji furan hana dhibsan waligaa.
8- Isku day in aad ku milanto qoskiisa oo aad kalsooni ka hesho .
9- Ha adeegsan hubka oohinta waligaa , hana gaarsiin khilaafka idinka dhex dhaca in qof kale uu kaga dacwoodo .
10- Haku cunin caroorta hortiisa haddii ay dhacdo in xoogaa yar is khilaaftaan.

_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment