Fanaaniinta Axmed Rasto iyo Hodan C/raxmaan oo Muqdisho soo Gaaray (VIDEO)

Bulsha:-  Waxaa maanta magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho soo gaaray fanaaniinta kala ah Axmed Rasto iyo Hodan Cabdiraxmaan.

fanaaniintan ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, Hobalada qaranka ee Waabari, taageeroyaashooda ee Caasimadda Muqdisho.

Hodan iyo Axmed ayaa isla maanta waxaa ay tageen xarunta golaha murtida iyo mada daalada qaranka ee National Theatr-ka.


Fanaaniinta oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbaxiyay imaasha magaaladda Muqdisho iyo ujeeda ay u yimadeen dalka.

Xidlhibaan Maxamed Cumar Dalxa Iyo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa hoosta ka xariiqay in fanaaniinta ay yihiin jiheeyiyaasha umadda isla markaana loo baahan yahay in ay wacyigeliyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Cabdilaahi Colaad Rooble ayaa tilmaamayay in wasaaradda warfaainta dhaqanka ay aad u sood dhaweynayso fanaaniinta dib dalka ugu soo laabanaya.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment