Tuulada Kuunya Baroow oo Caawa ay Duqeeyeen Diyaarado Dagaal

Bulsha:- Wararka inaga soo gaaraya Tuulada Kuunya Baroow ee ku taala Gobolka Shabeelda Hoose ayaa la sheegayaa in caawa Tuuladaasi lagu qaaday weerar xagga Cirka ah.

Duqayntan ayaa caawa ka dhacday banaanka Tuulada Kuunya Baroow oo hoostagta Degmada Baraawe, waxaana goobtaasi lagu weeraray saldhig uu Ururka Al Shabaab ku leeyahay Tuuladaasi.


Dadka ku dhaqan Kuunyo Barow ayaa sheegay in weerar la tuhunsan yahay inuu yahay duqayn cirka ah lala beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqeyntani ay aheyd mid xoogan oo guryahooda ay kaga jiri waayen, waxa ayna tilmaamen in duqeynta kadib ay Alshabaab jareen wadooyin badan islamarkaana isku gadaamen goobaha la duqeeyay.
Dadka ku sugan deegaanka waxa ay sidoo kale sheegeen in saacado ka hor inta aysan dhicin duqeynta ay Kooxda Alshabaab dhaqdhaqaaqyo kawadeen Tuulada.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment