War deg Deg; Xasan Sheekh oo Soo Dhaweeyay Heshiiskii ay Wada Gaareen Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee maanta magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixdeen madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland (Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali).

Heshiiskan oo ka kooban afar qodob, ayaa ah mid lagu soo afjarayo dagaal dhowaan magaaladaa Gaalkacyo ku dhexmarey ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

“Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee maanta lagu saxiixay Gaalkacyo. Waxaa heshiiskan uu ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumarka iyo nabadda’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadahadal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si gaar ah ammaan ugu jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo intii kale ee kala qeyb qaadatey dadaalkii nabadeed ee halkaasi laga wadey.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment