War Deg Deg Ah Dagaal Culus iyo Duqeymo ka bilowday Magaalada Gaalkacyo iyo Heshiiskii shalay oo fashilmay

Bulsha:- Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goordhaw uu halkaasi uu dib uga qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland oo horey isku hor fadhiyay.

Dagaalka qarxay ayaan wali si dhab ah loo ogeyn cida bilowday iyo waxa keenay in mar kale dagaal dib uga qarxo Magaaladaasi, waxaana xiligan la maqlayaa rasaas culus ay is dhaafsanayaan Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland.

Xiliga uu dagaalku qarxyay ayaa waxaa socday qorshe la doonayay in lagu kala qaado ciidamada is hor fadhiyay, waxaana mar qura bilowday Duqeymo madaafiic ah oo labada dhinac is dhaafsadeen, waxaana xiligaa kadib dib u qarxay dagaal culus.

Wasiirka Amniga Galmudug oo goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Puntiland ay weerar kusoo qaaday ayna madaafiic kusoo garaaceyn dhankooda, waxa uuna xusay in Puntiland aysan xiligan nabad dooneyn ayna Dagaal u diyaargarowday ayna iska difaacayaan.



Tiro madaafiic ah ay is dhaafsadeen Ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntiland ayaa ku dhacay qeybo badan oo kamid ah Koonfurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana madaafiicda ay qasaaro kasoo gaartay xarumo ganacsi oo kuyaala Magaaladasai.

Waxaa muuqata in ay fashilantay waan waantii nabadeed iyo heshiiskii shalay ay Magaalada Gaalkacyo kuwada gaareen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntiland, waxaana Magaalada Gaalkacyo uu hada dagaalka kasocdo ku sugan R/Wasaraha Soomaaliya , Madaxda Maamul Goboleedyada dalka iyo xubno katirsan Beesha Caalmka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment