Bulsha:- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka digay in marxalad siyaasadeed loo rogo dagaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ku dhexmary ciidamada kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Puntland, iyadoo hada uu socdo dadaalo kala duwan oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federalka Somaliya, laguna doonaayo soo afjarida colaadaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu ku tilmaamay dagaalka Magaalada Gaalkacyo mid nasiib daro ah oo ku daatay dhiiga umad Somaliyed, wuxuuna sheegay wax siyaasad ah inaysan shaqo ku laheyn dagaalkii Magaalada Gaalkacyo ka dhacay iyo Xiisada taagan intaba.
“Waxaan rabaa inaan ka hadlo Arinta la siyaasadeynayo, in laga daayo Dhiig Somaliyed oo daadanaya Siyaasadeyn ma galo, Dadka dhanka Siyaasada u jiidayo, meeshaas Gaalkacyo Koonfurteeda iyo Waqooyigeeda wax guul iyo horumar lagu gaarayo ma jiro.†Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya oo la hadlay Radio Daljir oo deeganada Puntland ka howlgala.
Maamulka Puntland ayaa dagaalka u bedelay mid siyaasadeysan, kadib markii Dowladda Federalka Somaliya ay ku eedeeyeen inay qayb ka tahay dagaalada ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo Dowladda ay caawinayso Galmudug, sida Madaxweynaha Maamulkaasi Puntland uu Warbaahinta ka sheegay.
Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay xubnaha ku howlan dadaalada nabadeed inuu mar waliba kula hadlo taleefoonka uuna ka warqabo halka ay waxmarayaan, isaga oo sheegay inuusan ka maqneyn meesha oo wax waliba oo dadaalada Nabadeed ah uu la socdo.
Waxa uu muujiyay culeyska Dowladda Federalka Somaliya ay ku hayso xiisada Gaalkacyo iyo sida ay kaga xun yihiin dhiiga shacabka ee halkaasi ku daatay, waxaana ugu baaqay Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland inay qaataan dadaalada Nabadeed ee Gaalkacyo ka socda.
Ra’iisul Wasaaraha Somaliya xubno uu horkacaayo iyo xubno ka socda Beesha caalamka ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo, iyadoo maanta lagu wado in la isa soo hor fariisiyo Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug, kadibna heshiiska ay wada saxiixaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment