Daawo Sawirada:- Booliiska Talyaaniga oo fashiliyay Labo Nin oo katirsan Daacish oo watay Baasabooro bug ah

Bulsha:- Booliiska dalka Talyaaniga gaar ahaan kuwa garoonka magaalada Bergamo ee waqooyiga Talyaaniga ayaa gacanta ku dhigay rag lagu daba jiray oo soo sameeystay Baasabooro European bug ah kuwaas oo ka tirsanaa kooxda Daacish .

Ragaan oo u dhashay dalka Siiriya waxeey wateen Baasabooro laga leeyahay dalalka Norway iyo Austria waxeeyna ku sii jeedeen dalka Malta balse wali lama shaacin halka ay kaga sii gudbi lahaayeen . Booliiska Talyaaniga ayaa soo bandhigay sawirada ragaan oo ka soo qeeyb qaatay dagaalo dhoor ah oo kooxda Daacish fulisay waxaana da´dooda lagu kala sheegay 30-jir iyo 19-jir .

Safaaradaha wadamada Norway iyo Austria ayaa markii la wacay waxeey sheegeen in Baasabooradaas ay bug ama been yihiin waxaana iminka labadii nin ee Siiriyaanka ahaa lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Bergamo oo 50 Km u jirta magaalada caanka ah ee Milaano .











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment