Bulsha:- Kooxda Al-shabaab oo weerar ismiidaamin iyo mid toos ahba ka fulisay 26 July Hotelka Jazeera waxaa burbur baaxadiisa sareyso kasoo gaaray weerarkaasi, waxaana hadda uu kasoo kabsaday burburkii kasoo gaaray qaraxyadii lagu weeraray.
Xaflad loo qabtay dib u furida hotelka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha goblka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin.
Ugu yaraan shan iyo toban ruux ayaa ku dhimatay qarax lala beegsaday hotelkaasi Afartan iyo kow qof, ayaa ku dhaawacantay, waxaana ku jiray dadkii ku dhintay askari ka tirsanaa ilaalada safaaradda Shiinaha ee Muqdisho.
![]() |
Burburka Hotel Jazeera 26 July lala beegsaday qaraxii ismiidaaminta |
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment